Somaliland oo genefka ku dhufatay go’aankii Turkiga

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax) ayaa genefka ku dhuftay hadalkii shalay ka soo baxay safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya Olgan Bekar.


Shamax wuxu sheegay in aanu Turkigu ku cadaadin karin Somaliland inay ka tanaasusho qadiyadeeda go’aani isutaaga ayna Xukuumada Siilaanyo ka fiirsan doonto hadaladaas.

“Hadalka ka soo yeedhay Safiirka Wax alaale waxay u dhimi karto Somaliland ma jirto, Turkiguna haddii uu gogosha fidiyey, Somaliland kuma qasbi karo Soomaaliya” Ayuu siri Shamax oo la hadlayey wargeyska Geeska Afrika ee ka soo baxa Hargeysa.

Qunsulka Turkiga u fadhiya Hargeysa Muzaffer Yuksel ayaa 23 Jun ku dhawaaqay in dalkiisu aqoonsaday baasaboorka Somaliland uuna ku bixin doono dalku galka (Visa).

Laakiin, Bekar oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho wuu beeniyey in Turkigu aqoonsaday baasaboorka Somaliland, isagoo xusay in Ankara ku hawlan tahay xoojinta midnimada Soomaaliya.

Turkiga ayaa martigeliya wadahadalada u socda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo ku dhawaaqay sanadii 1991 inuu ka goostay dalka intiisa kale.

Madaxweyne Siilaanyo.
Madaxweyne Siilaanyo.

Siyaasiyiin miisaan ku leh Somaliland ayaa marar badan codsaday in Ankara laga bedelo martigelinta maadaama ay si joogta ah ugu celceliso inay ka soo horjeedo kala go’a Soomaaliya.


Si aad u rukumato wararka Faaqidaad Like saar bogayaga Facebook.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.