Somaliland oo dalbatay saanad ciidan

Somaliland waxay weydiisatay saanad ciidan isbaahaysiga uu hogaaminayo Sucuudigu ee go’doominta ku haya Qadar, sida ay Faaqidaad u sheegeen saraakiil ka tirsan maamulkaas.


Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho deg deg ah ugu kicitimay Isutaga Imaaraadka Carabta.

Siilaanyo inta uu ku suganyahay Abu-Dhabi ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u codsado in la siiyo taakulo dhaqaale iyo taageero dhanka ciidanka ah, sida uu fahansanyahay Faaqidaad.

Sanadii 1992 ayuu Golaha Amaanku saaray Soomaaliya cunaqabatayn dhanka hubka ah. Gantaalada difaaca hawada ee BUK .
Sanadii 1992 ayuu Golaha Amaanku saaray Soomaaliya cunaqabatayn dhanka hubka ah. Gantaalada difaaca hawada ee BUK .

Hargeysa oo ah maamul iskii ugu dhawaaqay inuu ka goostay Soomaaliya ayaa horay u sheegay inuu xiriirkii u jaray Qadar ayna garab taaganyihiin xulufada Sucuudiga.

Xukuumada Somaliland waxay ka caraysantahay inuu fuli waayo go’aankii ay diyaaradaha Qadar kaga mamnuucday inay ku duulaan hawadeeda.

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu rabaa inuu ka dhaadhiciyo Imaaraadka iyo Sucuudiga hadii la siiyo hub inaysan diyaaradaha Qadar soo geli doonin hawadiisa.


Gantaalada difaaca hawada BUK oo uu sameeyo Ruushku waxay ka mid yihiin gantaalada difaaca hawada sare.
Gantaalada difaaca hawada BUK ee uu sameeyo Ruushku waxay ka mid yihiin gantaalada difaaca hawada sare.

Khatar la filan karo

Soomaaliya oo ay Somaliland qayb ka tahay waxaa saaran cunaqabatayn. Hubkasta oo Hargeyso hesho wuxuu wiiqi doonaa isu dheeli tirnaantii maamul goboleedyada.

Waa suurtagal in saanadaas lagu weeraro beelaha degan Awdal, Sool iyo Sanaag oo iyagu diidan qadiyada gooni isutaaga, ama uu u gacan galo kooxaha xagjira.


Sidoo kale, Habar Jeclo oo hogaanka haysa ayaa laga cabsi qabaa inay u adeegsato Habar Yoonis oo mucaarad ah mudo dheerna xifiltan ka dhexeeyey, hadana xiisad ka dhex taagantahay.

©Faaqidaad.


Fadlan Like saar bogayaga Facebook.

Leave a Reply

Your email address will not be published.