Somaliland oo dacwad ka dhan ah Kilika 5-aad u gudbisay Itoobiya

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa u gudbiyey Dowlada Federaalka Itoobiya dacwad ka dhan ah Kilika 5-aad, Sida uu fahansanyahay Faaqidaad.


Wuxuu maanta ku qaabilay Hargeysa Wasiiro ka tirsa Xukuumada Itoobiya, Kuwaas oo uu kala hadlay shaqaaqadii dhowaan ka dhacday Degmada Gaashaamo.

“Waxay noo balan qaadeen inay baaritaan ku samayn doonaan dhacdadii Gaashaamo” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire oo si wada jir ah Shir jaraa’id ula qabtay Wasiiru Dowlaha Arrimaha dibada Itoobiya.

Laakiin Wasiiru Dowlaha Itoobiya Regasa Kefalewu ayaa ka gaabsaday inuu ku soo hadal qaado dhacdadaas shirkiisii jaraa’id.

Weftiga Somaliland ee booqday Hargeysa.
Weftiga Somaliland ee booqday Hargeysa.

Weriyayaasha ayaa wax ka weydiiyey xaalada cakiran ee laga soo sheegay Gaashaamo, Waxay kala socdaan iyo waxa u qorshaysan inay ka qabtaan.

Kefalewu wuxuu si taxadar leh u yiri “Ciidanku sharciga waa dhowraan, Waa baaraynaa arrinkaa i weydiisay hadey jirto dhibi hab sharci ah baa loo xalinayaa”.

Talaabada ay qaaday Xukuumada Somaliland ayaa xumayn doonta xiriirkii ay la’lahaayeen Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Sida uu fahansanyahay warsidaha Faaqidaad.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTAAS.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.