Somaliland ma heli kartaa aqoonsi

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in 1 milyan oo qof saxiixeen codsi ay madaxbanaani kaga dalbanayaan dunida, dadka degan Somaliland ayaa lagu qiyaasaa 3.4 milyan.


Laga soo bilaabo 1991kii, markaas oo ay meesha ka baxday dawladii kacaanka ee ka ariminaysay dalka, gobolka woqooyi ee soomaaliya wuxu ku dhawaaqay madaxbanaani.

Su’aasha meesha taal ayaa ah in hadafkaasi yahay mid laga dhabayn karo iyo in kale?

Madaxbanaanidii la siiyey Ereteriya iyo Koonfurta Suudaan wexey keentay in dawladahaasi noqdaan kuwo guuldaraystay, taas oo dunida ku abuurtay inay ku dhiiran waayaan aqoonsiga dalal hor leh.

Siyaasadda Midowga Afrika iyo ururkii ka horeeyey ee OAU ayaa ah inaan loo dhega nuglaan dalabyadda gooni u goosad.

Midowga Afrika ayaa leh hadii la aqoonsado gobol walba oo gooni u goosad ah taasi wexey horseedi doontaa in dalal badan oo Afrikaan ahi kala qaybsamaan.

Midowga Afrika ayaa aaminsan in dalalkii ka dhashay xuduudihii gumeystuhu ka tegey sidooda loo daayo.

Madaxweyne Siilaanyo | Sawir hore.
Madaxweyne Siilaanyo | Sawir hore.

Gobolo gooni u goostay

Arinta gooni u goosadku maaha mid ku cusub Afrika, wexey soo bilaabatay 1960kii xiligaas oo dalal badan oo Afrikaani madaxbanaani qaateen.

Gobolka Katanga ee ka tirsan dalka Koongo ayaa isku deyey inuu ka goosto dalka intiisa kale, isku daygaas oo ay soo afjareen ciidamo ka socday Qaramadda Midoobey.

Sidoo kale, ciidamadda Nigeria ayaa xoog kula wareegey gobolka Biyafran oo ku dhawaaqay inuu madaxbanaani ka qaatay Abuja.

Jamhuuriyada Biyafran mudo sadex sano ah ayey iskeed isu maamulaysay iyadoo aqoonsi ka heshay shan dal oo xubno ka ah Qaramada Midoobay.

Dalalka cusub ee Afrika

Arinta goosashadda ayaa ka soo cusboonaatay Afrika mar kale. Dalalka ku yaal woqooyi bari Afrika laba dal ayaa qaybsamay.

1993kii ayey Ereteriya ka go’day Itoobiya, halka 2011kii Koonfurta Suudaan madaxbanaani ka qaadatay Suudaan.


Inkasta oo ay kala duwanaayeen duruufaha labada dal. Ujeedada warbixintani maaha sababtii iyo qaabkii goosashadu ku dhacday, bedelkeeda waxanu diiradda saaraynaa halka ay ku dambeeyeen dalalkii madaxbanaanida la siiyey.

Madaxbanaanida la siiyey Asmara iyo Juba ujeedka laga lahaa wuxu ahaa xal u helida colaado mudo dheer soo taxnaa.

Su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah kala qaybintii dalalkaasi ma keentay xal waara?

Casharadda aan ka baranay kala qaybintii Itoobiya iyo Suudaan ayaa ah inaan goosashadu ahayn xalka ugu haboon.

Kala qaybintii dalalkaas ayaa keentay khilaaf dhinaca xuduudka ah oo ilaa maanta taagan, dhaqaalo xumo iyo dalalkii madaxbanaanidda la siiyey oo ku guul daraystay inay dunidda la saan qaadaan.

Sidoo kale, madaxbanaanidda la siiyey wexey sii xoojisey walaacii Midowga Afrika ee ahaa in kala goyn taasi horseedi doonto in dalal kale oo Afrikaani kala go’aan.

Tusaale ahaan, 2011 markii Koonfurta Suudaan madaxbanaaanida qaadatay waxa xafladii ka qaybgalay wafdi ka socda Somaliland oo ku lebisan funaanado ay ku qoran tahay “Somaliland baa ku xigta.”

Dalka dunida ugu dada yar ee Koonfurta Suudaan wuxu lugaha la galay dagaalo sukeeyey.|REUTERS/Goran Tomasevic .
Dalka dunida ugu da’da yar ee Koonfurta Suudaan wuxu lugaha la galay dagaalo sukeeyey.|REUTERS/Goran Tomasevic .

Dhaxalka kala qaybinta

Khilaaf dhinaca xuduudka ah mararka qaarkoodna isu bedela gacan ka hadal iyo xiriir aan wanaagsanayn oo dhexmara dalkii laga go’ay iyo dalka cusub waa casharadda laga bartay kala qaybinta.

Ereteriya ayaa noqotay dawlad madax adag oo laf dhuun gashay ku noqotay dunida, Koonfurta Suudaan ayaa iyaduna dagaalo sukeeye iyo macaluul lugaha la gashay.

Taas oo horseeday in dalalka qaar ku taliyaan in la hoos geeyo Qaramadda Midoobey (Maxmiyad), lana geeyo ciidamo nabad ilaalin ah oo haysta sharciyad ah inay mudo dheer dalkaas ku sugnaadaan.

Somaliland oo aan weli la aqoonsan iyo Puntland oo qayb ka ah nidaamka federaalka Soomaaliya ayaa ku muransan ku dhowaad kala bar dhulka ay Hargeysa sheegato, khilaafkaas oo sababay inay marar badan gacanta isula tagaan.

Dalal badan oo Afrikaan ah waxa maskaxdooda ku soo dhacaya Ereteriya iyo Koonfurta Suudaan markay maqlaaan dalabka gooni ugoosad ee Somaliland.


Midowga Afrika ayaa ku hawlan sidii Soomaaliya lugeheeda isugu taagi lahayd markale, iyagoo aaminsan in Somaliland qayb ka sii ahaato Soomaaliya oo mid ah mustaqbalka.

Faaqidaad + CNN.


Fadlan Like saar bogayaga Facebook.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.