Somaliland iyo Khaatumo oo wadahadlaya

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Khaatumo ayaa maanta gaaray magaalada Caynabo, Sida ay Faaqidaad u xaqiijiyeen ilo xogogaala.


Weftigan oo ka kooban Lix xubnood waxa hogaaminaya Wasiirka Amniga Keyse Cabdi Yuusuf iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamuud Maxamed Shabac.

Wasiirka Warfaafinta Khaatumo Axmed Xaaji Cali ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in weftigaas lagu diray talo loo dhanyahay.

Balse, Gudoomiyaha Baarlamaanka Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar wuxu sheegay in aanu ka warhayn weftigaas iyo ujeedka safarkooda.

Keyse Cabdi Yuusuf horay wuxu u soo noqday Wasiir ka tirsan Somaliland.
Keyse Cabdi Yuusuf horay wuxu u soo noqday Wasiir ka tirsan Somaliland.

Somaliland weli wax war ah kama soo saarin. Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada ayaa u sheegay Faaqidaad in aanu waxba kala socon.


Falanqaynta Faaqidaad.

Hadii Khaatumo ku heshiiso inay si buuxda isugu biyo shubato Somaliland xaalada siyaasadeed ee Gobolku waxay noqon doontaa mid si weyn isu bedesha.

Madaxweyne Galayr iyo Garaad Jaamac hadii ay ku sii adkaystaan Khaatumo, ma jiri doono isbedel balaaran oo xubnahani kama duwanaan doonaan kuwo badan oo horay Hargeysa u tegay.


Somaliland oo doonaysa inay diiwaangelin ka samayso Gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle waa suurtagal in masuuliyiintani gacan ku siiyaan hamigeedaa.


Si aad u rukumato wararka Faaqidaad Like saar bogayaga Facebook.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.