Siyaasi Cabdiraxmaan Uurbayto ayaa ka hadlay Somaliland, Puntland iyo Khaatumo

Siyaasi Cabdiraxmaan Xirsi Faarax (Uurbeyto) oo laba jeer oo hore u tartamay jagada Madaxweyne ku xigeen ee Maamulka Puntland ayaa ka hadlay arrimo badan mar uu marti ku ahaa Barnaamijka Deperaani Show ee ka baxa muuq baahiyaha Somali Channel.

Cabdiraxmaan Uurbeyte horay wuxuu ugu orday hogaanka Puntland.
Cabdiraxmaan Uurbeyte horay wuxuu ugu orday hogaanka Puntland.

Wuxuu qiray inuu ka mid ahaa siyaasiyiintii ka qayb galay shirkii dhidibada loogu taagey Khaatumo ee ka dhacay Taleex waloow uu shirkaas dibada uga baxay kadib markii uu arkay in jiho khaldan loo weeciyey sida uu ku dooday.

Khaatumo inaysan noqon karin maamul la siman ama u babac dhiga Somaliland iyo Puntland ayuu sheegay inuu aaminsanaa markasta.

Shir ka dhacay Deegaanka Sarmaanyo ayuu xusay in Beesha uu ka soo jeedo ee Ugaaryahan ay ku go’aansatay inay ka baxdo Maamulka Khaatumo.

Wuxuu daadifeeyey eedo horay ay Puntland ugu jeediyeen Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif (Galayr) iyo Garaadka guud ee Dhulbahante Garaad Jaamac kuwaas oo ka digay in Garoowe lagu soo xulo Xildhibaanada ay ku yeelan doonaan Dowlada Federaalka Soomaaliya.


Qadiyada Somaliland ayuu taabtay isagoo leh maaha mid socon karta maadaama masiirkii Gobolada Woqooyi ay hal reer tuurta ku sitaan.

Puntland ayaa ka mid ahayd meelaha uu soo hadal qaaday, Inkasta oo uu tilmaamay inuu yahay maamulka saxda ah ee metela Gobolada Sool iyo Sanaag hadana wuxuu ku dhaliilay inaysan hanaankii Dowladnimo u soo daadejin Goboladaas.

Siyaasi Cabdiraxmaan Xirsi Faarax (Uurbeyto) ayaa la aaminsan yahay inuu galaan gal xoogan ku dhex leeyahay Isimada beesha Dhulbahante taas oo u saamaxday inuu door muuqda ka ciyaaro doorashooyinkii Puntland ee 2009 iyo tii 2014.

Hoos ka daawo Waraysiga lala yeeshay oo dhamaystiran.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.