Sidee reer Puntland u arkaan Gaas?

Intii u dhexeysay 17kii ilaa 21kii Jun warsidaha Faaqidaad wuxuu sameeyey sahan uu ugu kuurgelayey sida reer Puntland u arkaan Madaxweynahooda.


Waxaanu sahanka su’aalo ku weydiinay 291 qof oo kala jooga dhamaan Gobolada Puntland iyo 98 ku nool qurbaha balse asal ahaan ka soo jeeda maamulkaas.

Madaxweyne Gaas ma qabtay shaqo fiican? Ma aaminsantahay inuu xilka sii hayo? qofkee tahay inuu bedelo? su’aalahaas ayaanu hordhignay qofkasta.

Natiijada sahanka

79% ka mid ah dadkii sahanka ka qayb qaatay waxay isku raaceen inuu qabtay shaqo fiican, 15% waxay arkaan inuusan waxba qaban halka 6% ay ka aamuseen.

Natiijada sahankii uu sameeyey warsidaha Faaqidaad | © Faaqidaad.
Natiijada sahankii uu sameeyey warsidaha Faaqidaad | © Faaqidaad.

73% waxay jeclaan lahaayeen inuu xilka sii hayo hadii uu ku guulaysto doorasho si xalaal ah ku dhacday halka 19% ay doonayaan inay arkaan isbedel cusub.

Dadkii sahanka ka qayb qaatay waxay ku kala aragti duwanyihiin sababta ay tahay inuu xafiiska u sii joogo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Dadka ku nool Boosaaso waxay doonayaan inuu dhamaystiro mashruuca dekeda, halka reer Sanaag ka cabsi qabaan inay hakato wadada Ceeldaahir- Ceerigaabo hadii uu xilka ka dego.

Reer Puntland waxay ka simanyihiin in aan hogaanka lagu aaminin siyaasi cusub oo aan la soo tijaaabin lana saadaalin karin waxqabadkiisa.

87% waxay sheegeen inaysan aamini karin weji cusub oo aan horay loo soo tijaabin, iyagoo ka cabsi qaba inuu maamulka ku hogaamiyo jiho khaldan.

Madaxweyne Gaas dhowr  jeer ayuu sheegay in aanu markale tartami doonin.
Madaxweyne Gaas dhowr jeer ayuu sheegay in aanu markale tartami doonin.

Falanqaynta Faaqidaad

Mashaariicda socota iyo qorshihii Puntland ha isku tashato oo si waafi ah u hirgalay ayaa sabab u ah inuu Gaas helo shacbiyad xadigaas le’eg, sida uu fahansanyahay Faaqidaad.

Madaxweynuhu wuxuu marar badan sheegay in aanu markale xafiiska u ordi doonin, waloow uusan jirin qodob dastuuri ah oo dabraya.

Madaxweynayaashii ka horeeyey kama baaqsan inay mar labaad tartamaan, waxayse musharaxnimadooda ku dhawaaqeen wax yar ka hor xiligii doorashada.


Waa suurtagal Madaxweyne Gaas inuu bedelo fekerkiisa kuna dhawaaqo inuu yahay musharax, sida ay aaminsanyihiin dadka siyaasada odorosa.

©Faaqidaad.


Fadlan Like saar bogayaga Facebook.

Leave a Reply

Your email address will not be published.