Shirkii Qardho uga socday duubabka dhaqanka oo la soo afmeeray- Warmurtiyeed

Shirkii duubabka dhaqanka Soomaaliyeed uga socday magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar ayaa goor dhoweyd la soo afmeeray.

“Shirku wuxuu garowsaday in dagaalkii sukeeye dhamaaday hase yeeshee meelo badan ay weli ka jiraan colaado sukeeye kuwaas oo loo baahan yahay in la soo afjaro” Ayaa lagu yiri qodobka 1-aad ee warmurtiyeedkii ka soo baxay shirkaas oo toban qodob ka koobnaa.


Odayaasha dhaqanku waa hogaanka umada Soomaaliyeed, Isla markaana waa soo jireen aan dhicin, loona baahan yahay inay umada ku hogaamiyaan cadaalad iyo sinaan, nabadgelyo iyo midnimo, Sidaas ayaa lagu xusay qodobadii ka soo baxay shirkaas.

Umada Soomaaliyeed ayey ugu baaqeen nabadgelyo maadaama nabadu tahay furaha nolosha, Iyadoo si wada jir ah looga shaqaynayo nabada iyo xasiloonida.

HOOS KA DAAWO WARMURTIYEEDKII SHIRKAAS KA SOO BAXAY:

Faaqidaad.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.