Shirkii madasha uga furmi lahaa Baydhabo oo dib loo dhigay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta Goboalka Baay ayaa tibaaxaya inuu baaqday shirkii Madasha wadatashiga Qaran ee lagu waday inuu maalnimada berito ka furmo Baydhabo.


Ila wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa warsidaha Faaqidaad u sheegay in shirka furitaankiisa dib loogu riixay 25 bishan.

Ilaa hada lama oga sababta rasmiga ee ka danbeysa inuu dib u dhac ku yimaado shirkaas xili dalku ku jiro marxalad kala guur, Ayna muhiim tahay dedejinta geedi socodka doorashada.

Shirka madasha wadatashiga Qaran ee Baydhabo ka furmi doona wuxuu daba joogaa kii dhawaan Muqdisho ugu soo idlaaday madaxda dowlada Soomaaliya iyo madaxda Maamulada Goboleedyada.

Madasha wadatashiga qaran ayaa shir uga socdaa Muqdisho.
Madasha wadatashiga qaran shirkoodii Muqdisho.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.