Shirkii madasha oo goor dhow ka furmi doona Baydhabo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay.

Madaxweyne Xasan oo lagu soo dhoweynayo Baydhabo.
Madaxweyne Xasan oo lagu soo dhoweynayo Baydhabo.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa halkas ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Koonfur galbeed Soomaaliya iyo qaar kamida Golahiisa Wasiirada

Xasan Sh. Maxamuud ayaa halkaa lagu wadaa in uu ka furo shirka Madasha wada Tashiga qaran ee Madaxda uga arrin saneyso hananka doorashada sanadan lagu wado inay Soomaaliya ka dhacdo

Sidoo kale Baaydhabo waxa gaaray Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Dhigiisa Puntland iyo Guuleedka Galmudug.

Ila wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Warsidaha Faaqidaad u xaqiijiye in shirka uu furmi doono galabta casrkii ama afurka kadib.


Shirka madasha wadatashiga qaran ee Baydhabo ka furmaya ayaa noqonaya kii ugu danbeeye ee Madaxdu uga arrin saneyso doorashada dalka.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.