Shirkii Isimada Soomaaliyeed oo ka furmay magaalada Qardho- Cusboonaysiin

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaalada Qardho shir ay isugu yimaadeen duubabaka dhaqanka Soomaaliyeed.

Boqorka Beesha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa shirkan martigelinaya, Isagoo horay u balan qaaday qabashadiisa.

Shirka ayaa socon doona mudo dhowr cisho ah.
Shirka ayaa socon doona mudo dhowr cisho ah.

Isimo tiro ahaan gaaraya 100 oo ka kala yimi geyiga Soomaalidu degto ayaa shirka ka soo qaybgalay, Sida ay warsidaha Faaqidaad u sheegeen gudiga qaban qaabada.

Khudbado kala duwan ayaa laga soo jeediyey furitaankii shirka iyadoo la isku raacay in duubabka dhaqanku door libaax ka qaadan karaan, Sidii dalka looga samotabixin lahaa colaadaha la degey.

Boqor Burhaan ayaa ka sheekeeyey doorkii ay Isimadu ku lahaan jireen ka shaqaynta Nabada, Isagoo leh waxaa lagama maarmaan ah in laga shaqeeyo sidii umada Soomaaliyeed loogu samayn lahaa dib u heshiisiin dhab ah.

Safaro uu ku tegey meelo badan oo dalka gudihiisa iyo dibadiisa ah ayuu soo hadal qaaday.

Madaxweyne Gaas ayaa ku tilmaamay doorka dhaqanka mid aan laga maarmi karin, Isagoo codsaday in loo baahan yahay sidii duubabka dhaqanku uga soo dhalaali lahaayeen doorkii dahabiga ahaa ee lagu yaqaanay.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.