Shiinaha oo aad looga cuno hilibka Eyga

Sida la aaminsanyahay waxaa sanadkii lagu cunaa dal weynaha Shiinaha in ka badan 10 Malyan oo Ey, sida ay shaacisay hay’ada Humane Society ee fadhigeedu yahay Washington.


In la cuno hilibka Eyga waa ka sharci Shiinaha waxaana si caadi ah loogu gadaa suuqyada, balse qaar badan oo ka mida ayaa lagu kala gataa suuq madow si aan loo hubin tayadiisa.

Magaalada Guangxi waxaa ka bilaabmay 21kii Jun dabaal deg sanadle ah oo lagu xuso cunida hilibkaas, sida la sheegay in ka badan 10kun oo Ey ayaa sanadkan lagu dilayaaa bandhigaas.

Suuqa oo si caadi ah loogu gadayo hilib Ey.
Suuqa oo si caadi ah loogu gadayo hilib Ey.

Kooxaha soo qaban qaabiyey dabaal degan waxay ku doodayaan in cunida hilbka Eygu aysan waxba ka duwanayn kan Doofaarka ayna dhaqan soo jireen ah u tahay cunistiisu.

Hay’adaha u dooda xuquuqda xayawaanka ayaa gaashaanka ku dhuftay sheegashadaa iyagoo leh “Ma jiro wax dhaqan soo jireen ah oo uu salka ku hayo dabaal degani”


Cunida hilibka Eygu waa ka caan meelo badan oo ka mid ah Aasiya sida Vietnam, sanadkasta waxaa lagu cunaa qaaradaas in ka badan 30 malyan oo Ey.

©Faaqidaad.


Fadlan Like saar bogayaga Facebook.

Leave a Reply

Your email address will not be published.