Shiinaha ayaa beeniyey inuu u dhoofiyey Afrika hilibka bini’aadamka oo qasacadaysan

Goob hilibka lagu iibiyo oo Shiinaha ku taala (Sawir Kayd ahaa).
Goob hilibka lagu iibiyo oo Shiinaha ku taala (Sawir Kayd ahaa).

Dowlada Shiinaha ayaa soo saartay Warsaxaafadeed ay si adag ugu beenisay warar sheegayey inay hilibka dadka oo qasacadaysan loona ekeysiiyey kan Lo’da ay u dhoofisay dukaamo ku yaala qaarada Afrika.

Shiinaha ayaa lagu khasbay inuu bixiyo jawaab kadib markii qaar ka mid ah Warbaahinta Afrika ay daabaceen eedo la xiriira arrintaas, Iyagoo soo xiganayey ogaysiis ay barteeda Facebook soo dhigtay gabadh lagu magcaabo Barbara Akosua Aboagye taas oo soo jiidatay dad badan kuwaas oo ilaa 26,248 oo jeer sii Share gareeyey.

Msanzi Live iyo Daily Post oo ah mareego laga leeyahay Dalka Koonfur Afrika ayaa sabab uga dhigay hilibka bini’aadamka ee Shiinuhu soo dhoofiyey maadaama dadkiisu tirada ka bateen ayna waayeen meelo ay ku kala duugaan marka ay dhintaan.

Safiirka Dalka Shiinaha u fadhiya dalka Zambia Yang Youming ayaa soo saaray warsaxaafadeed lagu baahiyey warbaahinta Dowladu maamusho isagoo leh “Maanta qaar ka mid ah Wargaysyada maxaliga ahi waxay baahiyeen warar aad u faafay kuwaas oo ay ku sheegayaan in Shiinuhu hilibka bini’aadamka intuu qasacadeeyo oo kan lo’da u soo ekeysiiyo inuu Afrika u soo dhoofiyo”.

“Tani waa aflagaado xaasidnimo ah oo aanan sinaba u aqbali karin, Waxaanu halkan ku muujinaynaa sidaanu uga caraysanahay, Anagoo u canbaaraynayna falkaas sida ugu adag ” Ayuu yiri Mr. Youming.


Shiinaha ayaa si weyn u maal gashaday Zambiya gaar ahaan dhinaca macdanta, Laakiin hoos u dhaca ku yimi dhaqaalihiisa ayaa si toos ah u taabtay shaqooyinkii ay ka wadeen dalkaas iyagoo xiray qaar ka mid ah Warshadahoodii.

Qaar ka mid ah Shirkadaha Shiinaha ayaa si weyn loogu dhaliilay inay ka faa’iidaysanayaan shaqaalahooda Zaambiyaanka ah.

Saraakiisha ayaa ka welwelsan in eedaha loo soo jeediyey ee la xiriira soo dhoofinta hilibka bini’aadamka ay colaad ka dhex abuuraan shaqaalahooda halkaas ku sugan iyo dadka wadankaas u dhashay.

Wasiir Ku xigeenka Difaaca Zambiya Christopher Mulenga ayaa sheegay in Dowladu baaritaan ku bilaabi doonto warbixintaas.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad, Warkan waxaanu ka soo xiganay Independent hadii aad jeceshayhay inaad akhrisato isagoo ku qoran luuqada Englishka halkan (Riix).

Leave a Reply

Your email address will not be published.