Sevilla oo qaaday Europa league

Sevilla ayaa markii sadexaad oo isku xigta ku guulaysatay Europa Leagu waana markii Shanaad 11 sano gudeheed.

Guusha Sevilla ayaa timi markii ay 3:1 uga badisay Liverpool.

Reer Sevilla oo u dabaal degeya guushoodii.
Reer Sevilla oo u dabaal degeya guushoodii.

Daniel Sturrage ayaa daqiiqadii 35aad dhaliyey goolka keliya ee Liverpool. Qaybtii labaad cayaayrta oo socota 17 ilbiriqsi ayaa Gamearo goolka barbar dhaca u dhaliyey Sevilla, Kabtanka kooxda Coke ayaa laba gool raaciyey taas oo xaqiijisay guusha Sevilla.

Jorgen Klope Macalinka Liverpool iyo kooxdiisa ayaa niyad jab kala kulmay guuldaran. Kooxda qaaday Koobka waxa ay kaqayb gelaysaa Champions Leagu, waana fursad weyn oo dhaaftay caawa Liverpool.

Roberto Firmino oo kaarka cas qaatay daqiiqadii 13-aad.
Roberto Firmino oo la ganaaxay daqiiqadii 13-aad.

Faaqidaad

Leave a Reply

Your email address will not be published.