Scotland oo veto saari doonta bixitaanka UK

Wasiirada koowaad ee Scotland Nicola Sturgeon ayaa u sheegtay BBC in Baarlamaanka maamulkaasi isku deyi doono inuu codka diidmada qayaxan (veto) saaro ka bixitaanka UK ee Midowga Yurub.


Hadalkeedu wuxuu dabo socday kadib markii 52% dadka Ingiriisku u codeeyeen in laga baxo Midowga Yurub.

Laakiin, 62% dadka Scotland waxay taageereen in laga sii mid ahaado halka 38% u codeeyeen in la boxo.

Sturgeon waxay sheegtay inay Baarlamaanka weydiisan doonto inuusan siin ogolaansho sharci go’aanka Ingiriisku ku gaaray bixitaanka.

Scotland ayaa ka mid ah boqortooyada midowday ee UK, balse waxay leedahay ismaamul hoosaad iyo gole sharci dejin oo u gaara.

  • UK: Ma la raafi doonaa Soomaalida haysta dhalashooyinka EU? Warbixin hore (akhri).

Hoos ka daawo waraysigeeda.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.