Sababtee Somaliland u taageertaa Al-Shabaab?

Maamulka Somaliland wuxuu ku lug lahaa weerarkii 7da Jun, ay ku qaadeen deegaanka Af-urur maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida uu fahansanyahay Warsidaha Faaqidaad.

Dad badan ayey la-yaab ku noqotay sida ay ugu suurtagashay inay qaadaan weerar xadigaas le’eg maleeshiyaadka ka dagaalama buuraha Galgala oo mudooyinkii dambe si weyn loo wiiqay.


Maleeshiyaadka taabacsan Al-Shabaab ee ku jira buuraha Golis waxay la daalaa dhacayeen khilaaf soo kala dhex galay oo u kala jebiyey labo kooxood oo feker ahaan kala irdhoobay.

Ma heli jirin sahay, saad iyo gurmad maadaama ay go’doomin saareen ciidanka Puntland, taas oo ku riixday inay ka galaan dhufays buuraha fog halkii ay ka ahaan lahaayeen weerar.

Taageerada Somaliland

Goob joogayaal ku sugan meelo ka tirsan Sanaag ayaa u xaqiijiyey Faaqidaad inay Somaliland xoojisay dhowaan taakulada ay siiso Al-Shabaab.

Subaxnimadii 2dii Jun, ayaa lagu arkay deegaanka Shimbiraale 3 gaari oo xamuul ah oo ay gelbinayeen kolanyo ka tirsan ciidanka Somaliland ee fadhiya Biyo guduud.

Somaliland ayaa la rumaysan yahay inay taageero siiso kooxda Al-Shabaab.
Somaliland ayaa la rumaysan yahay inay taageero siiso kooxda Al-Shabaab.

Isla habeenimadii 2dii Jun, ayey dad reer guuraa ahi waxay arkeen gaadiidkaas oo uga gudbaya dhinaca raacinta wadada dheer ee isku xirta Mindigale iyo Cawsane.

Sidoo kale, koox xijiyeysato ah ayaa u xaqiijiyey dadka deegaanka inay arkeen Sabti 3dii Jun, maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ka raranaya raacinta sahay loo dhigay.

Asaaskii kooxda Galgala

Si aad u ogaatid ku lug lahaanshaha Somaliland ee dagaalka ka socda buuralayda Golis gaar ahaan deegaanka Galgala waa in aanu taariikhda dib u eegno oo diirada saarno asaaskii kooxdan.

2006dii ayey xukuumadii Puntland ee AHN Janaraal Cadde Muuse ku dhawaaqday inay macdan ka baari doonto deegaanka Majayahan. dadka deegaanku ma soo dhoweyn arintaas.

Xukuumadii Somaliland ee Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ayaa u aragtay kala aragti duwanaanta soo kala dhexgashay reer Sanaag iyo Puntland fursad dahabi ah.


Hargeysa waxay aaminsanayd wax kasta oo xumayn kara xiriirka walaaltinimada ku dhisan ee Warsangeli iyo Majeerteen in dani ugu jirto amaankeeda qaran.

Markiiba Madaxweyne Riyaale wuxuu bilaabay abaabul ciidan, isagoo u soo diray buuraha Calmadoow ciidankii Somaliland ee ka soo jeeday Warsangeli oo xiran shaar qabiil.

Sidaa ayey ku asaasantay kooxda Galgala oo markiiba dagaal lagu hoobtay la gashay ciidamo ka tirsan Puntland oo halkaas loo keenay si ay u ilaaliyaan goobihii macdanta laga sahminayey.

Dagaalo qaraar kadib Puntland waxay joojisay macdan baaristii iyadoo la baxday ciidankii. sidaa ayuu ku soo afjarmay khilaafkii soo kala dhexgalay beesha iyo maamulka.

Mudo dheer ayey gabaad ka dhiganayeen Al-Shabaab buuraha Galgala.
Mudo dheer ayey gabaad ka dhiganayeen Al-Shabaab buuraha Galgala.

Nabada curatay ma farxadgelin Somaliland oo markiiba bilowday inay taageeradeedii u weeciso kooxo mayal adag oo uu hogaaminayey Sh. Maxamed Siciid Attam si ay u sii wadaan dagaalka.

Sidaa waxaa ku bilowday wejigii labaad ee dagaalka oo ah markan mid xiran shaar diimeed ayna isku garabsanayaan kooxda Al-Shabaab iyo maamulka Somaliland oo dani midaysay.

Doorashadii Siilaanyo

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa loo doortay hogaanka Somaliland 26kii Jun, 2010 iyadoo maamulkaasi uu si weyn ugu lug leeyahay qalalaasaha buuraha Calmadoow.

Maalin ka hor intii aanu xilka wareejin Riyaale ayey weerar xoogan ku soo qaadeen ciidanka Puntland ee fadhiyey tuulada Laag maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee ku jiray Galgala.

Dadka intiisa badani waxay aaminsanaayeen in weerarkaasi ahaa mid ay ku muujinayeen cududooda ciidan si aysan meesha uga bixin taageeradii ay ka heli jireen xukuumada Riyaale.

Al-Shabaab waa ku guulaysteen qorshahaas, sababta oo ah Siilaanyo wuxuu u arkay quwad lidi ku ah joogitaanka Puntland ee Sanaag oo ka mid ah meelaha ay ku muransanyihiin.

Somaliland ma siiso Al-Shabaab sahay oo keliya ee waxay u tahay marin ay soo maraan oo ka galaan Galgala, sidoo kale dhaawacooda ayey ugu dabiibtaa Burco.


Istaraatijiyada cusub ee Somaliland

Sool, Sanaag iyo Degmada Buuhoodle waa deegaanada ay ku muransanyihiin Somaliland iyo Puntland, la yaab ma leh Hargeyso inay qaado wado kasta oo ay goboladaas ku hantiyi karto.

Dalka Itoobiya oo dagaal xoogan kula jiray jabhadii ONLF ayaa aaminsanaa in magaalada Laascaanood ay xudun u tahay dagaalyahanada kooxdaas ee duulaamada ku soo qaada.

Somaliland oo ka faa’iideysanaysa tuhunka Adis-Ababa waxay ka dhaadhicisay Raysal Wasaare Meles Zenawi in aanay Puntland awood u lahayn wax ka qabashada ONLF.

Taasi waxay dhabada u xaartay inay Itoobiya gacan ku siiso Somaliland sidii ay u qabsan lahayd Laascaanood si ay uga godoomiso dagaalyahanadii la rumaysnaa inay ku gabanayaan.

Hargeysa xiligan waxay ku hawlantahay sidii ay beesha caalamka uga dhaadhicin lahayd in aan buuraha Galgala laga saari karin Al-Shabaab ilaa ay iyadu u dirto ciidankeeda.

Dhowr jeer oo ay kula kulmeen Nairobi saraakiil ka socota beesha caalamka ayey u sheegeen in aanay Puntland haysan awood dhaqaale iyo mid ciidan oo ay ku jebiso Al-Shabaab.

Waxay u sheegeen safaarada Maraykanka ee Kenya hadii loo ogolaado inay si buuxda gacanta ugu dhigto Gobolka Sanaag inuu noqon doono mid ka caagan argagixisada.

Somaliland waxay olole ugu jirtaa sidii ay caalamka uga dhaadhicin lahayd in aanay Puntland lahayn awood ciidan oo ay Al-Shabaab kaga saarto Galgala.
Somaliland waxay olole ugu jirtaa sidii ay caalamka uga dhaadhicin lahayd in aanay Puntland lahayn awood ciidan oo ay Al-Shabaab kaga saarto Galgala.

Dareenka beesha Caalamka

Beesha caalamka oo dareensan inaysan jirin cudud ciidan oo ay isku dhaamaan Hargeysa iyo Garoowe ayaan wax danayn ah u muujin talo soo jeedinta xukuumada Siilaanyo.

Sidoo kale, Qaramada Midoobay iyo sirdoonka reer galbeedku waxay si buuxda ula socdaan sida uu Madaxweyne Siilaanyo ugu lug leeyahay dagaalka silsilada Golis.

Marar badan ayey si cad daboolka uga qaadeen xiriirka ka dhexeeya ciidanka Somaliland iyo Al-Shabaab, iyagoo ku baaqay in la joojiyo wadashaqayntaas.


Somaliland waa sii wadi doontaa taageerada ay siiso kooxaha xagjira ee ku jira Galgala inta ay siyaasad ahaan iska soo horjeedaan Puntland, sida uu fahansanyahay Faaqidaad.

Hargeysa waxaa laga aaminsanyahay hadii aanay furintaasi ku furnayn Puntland inay mar hore iyadu furin ku furi lahayd Somaliland si ay ula wareegto Gobolada la isku hayo.

Madaxweynaha Somaliland waa taliyaha guud ee ciidamada maamulkaas.
Madaxweynaha Siilaanyo waa taliyaha guud ee ciidamada maamulkaas sida uu dhigayo dastuurku.

Shiine Culay
Tafatiraha Faaqidaad.

Facebook: Shiine Culay, Follow on Twitter: @Shiine Culay


Fadlan Like saar bogayaga Facebook.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.