Sababaha ka danbeeya booqashada Erdogan ee Afrika

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu booqasho ku tegey dalalka Bariga Afrika gaar ahaan Soomaaliya, Kiinya iyo Ugandha. Waa markii tobnaad ee uu soo booqdo wadamada Afrika ee ka hooseeya Saxaraha mudo ka yar 18 bilood.


Muxuu Erdogan wakhtiga xadigaas le’eg ugu bixiyey Afrika?

Turkigu wuxuu ka leeyahay qaarada ujeedooyin ganacsi iyo kuwo siyaasadeed, Waana sababta ku riixaysa inuu si weyn u xoojiyo joogitaankiisa Afrika.

Qaaradu waxay ubuc u tahay hamiga Erdogan oo ah inuu Turkigu noqdo quwad muhiim ah oo aan ku koobnayn Bariga dhexe oo keliya balse gaarsiisan dunida oo dhan.

Turkigu wuxuu ku leeyahay Wadamada Afrika ee ka hooseeya saxaraha 34 Safaaradood halka uu sanadii 2009 ku lahaa todoba keliya.

Sidoo kale Wadamada Afrika ayaa ka hela saamiga ugu badan gargaarka Turkigu u diro dibada. Deeq dhan 400Milyan ayuu siiyey Soomaaliya keligeed shantii sano ee la soo dhaafay.

Shirkada Turkish Airlines oo Dowladu 50% leedahay, Waxay u duuli jirtay todoba garoon oo ku yaala wadamada saxaraha ka hooseeya sanadii 2009. Wakhtigan waxay si joogta ah uga degtaa 51 Garoon oo ku yaala 34 Dal oo qaarada ka tirsan.

Meelaha qaar kama faa’iidaan laakiin ujeedada ay ka leeyihiin ayaa ah sidii ay u dhisi lahaayeen sumcada Istanbuul oo iyadu xarun u ah isku xirka Afrika, Yurub iyo Maraykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo soo dhoweynaya dhigiisa Turkiga.
Madaxweynaha Soomaaliya oo soo dhoweynaya dhigiisa Turkiga.

Ganacsiga.

Qaar ka mid ah maalqabeenada Turkida oo ku caan baxay inay ka shaqeeyaan dalalka khatarta badani ka jirto sida Ciraaq, Suuriya iyo Iiraan waxay hada soo eegayaan dhaqaalaha sida xawliga ah u koraya ee Afrika, Maadaama ay hoos u dhac ka dareemayaan suuqyadii hore.

Sidoo kale Turkiga oo dhaqaalihiisu ku dhisan yahay ganacsiga wuxuu u baahan yahay inuu helo suuqyo kale oo u bedela Ruushka, Suuriya iyo Ciraaq oo uu gebi ahaantood lumiyey.

Badeecad qiimaheedu dhan yahay 1.6 bilyan ayuu Turkigu u dhoofiyey dalalka Afrika ee ka hooseeya saxaraha sanadii 2006, Halka sanadii 2014 ay gaartay xadiga badeecadaasi 4.1 bilyan.

Turkigu wuxuu doonayaa in Soomaaliya oo dhacda goob istiraatiiji ah ay noqoto albaabkii uu ka geli lahaa Bariga iyo Bartamaha Afrika, Waana sababta uu sida weyn ugu maalgashanayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka dagaalada sukeeye la degeen ee geeska Afrika.

HOOS KA DAAWO WARBIXIN AANU KA DIYAARINAY DANAHA TURKIGA EE AFRIKA.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.