Ruushka oo u dabaal degey guushii ay ka gaareen dagaalkii labaad ee dunida

Ciidamada Ruushka ayaa socod ku maray bartamaha magaalada Moosko si ay ugu dabaal degaan sanad guuradii 71-aad ee ka soo wareegtay guushii ay ka gaareen dagaalkii labaad ee Dunida.

Qaar ka mid ah hubka cusub ee dalkaas ayaa lagu soo bandhigay dabaal degaas kuwaas oo ay ka mid ahaayeen gantaalka RS-24 Yars kaas oo xanbaari doona madaxyada Nukliyeerka.

RS-24 Yars waa gantaal cusub oo duqayn kara meel u jirta 11,000KM isagoo xanbaarsan 4 madax oo kala duwan oo Nukliyeer ah.
RS-24 Yars waa gantaal cusub oo duqayn kara meel u jirta 11,000KM isagoo xanbaarsan 4 madax oo kala duwan oo Nukliyeer ah.

Diyaaradaha dagaalka, Kuwa sida culus wax u duqeeya iyo kuwa qumaatiga u kaca ayaa ku kor duulay fagaaraha cas, kuwaas oo ay ku jireen kuwo cusub oo lagu soo tijaabiyey dagaalada ka socda Suuriya oo Ruushku ku lug leeyahay.

Ilaalada qaranka ayaa ka mid ahaa Ciidamadii maray fagaaraha kuwaas oo ah kuwo cusub oo dhowaan la dhisay.

10,000 oo Askari, 175 Gaadiidka dagaalka ah iyo 71 Diyaaradood ayaa ka qayb qaatay dabaal degaas.

Ruushka ayaa balaayiin doolar ku kharash gareeyey si uu u casriyeeyo hubkiisa maadaama ay si weyn isugu khilaafsan yihiin Gaashaanbuurta NATO xaalada dalka Ukriena sidaa darteed munaasabadan waxay u adeegsadaan sidii ay u soo bandhigi lahaayeen hubkooda casriga ah si ay u soo jiitaan indhaha caalamka.

HALKAN HOOSE KA DAAWO WARBIXIN MUUQAAL AH

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.