Roy Hodgson macalinkii xulka Ingiriiska oo is casilay

Roy Hodgson ayaa shaqada ka tegey kadib markii Ingiriisku weji gabax kala kulmay Iceland.


Iceland ayaa 2-1 uga badisay Ingiriiska, taas oo ka dhigan in Ingiriisku uu dhaafi waayey Wareega 16aad ee Euro 2016.

Horyaalka Ingiriiska ayaa ka mid ah Horyaaladda ugu xiisahaha badan dunida looguna daawashada badan yahay, dhanka dhaqaalahana waa kan ugu horeeya.

Iceland dhankeeda waa dal aad u yar tirada dadka dalkaas ayaa ah 300, 000, mana laha horyaal xirfadiisu sarayso, markii ugu horeysay ayey ka qayb galeen cayaaraha Euro.

Roy Hodgson ayaa ahaa macalinka ugu mushaharka badan dhamaan tababarayaasha ka qayb gelaya Euro 2016.

Afar sanadood oo uu xulka Ingiriiska macalin u ahaa ayaanu wax guul ah soo hoyn.

War murtiyeed kasoo baxay xiriirka kubada cagta Ingiriiska (FA) ayaa lagu yiri ”Waxanu niyad jabka la wadaagnaa qaranka, anagoo ka murugaysan in loolankii aaan ugu jirnay Euro 2016 uu goor hore soo afmeermo”.

Wexey soo dhoweeyeen is casilaada Hodgson, Iyagoo u mahad celiyey taageerayaashii faraha badnaa ee u safray Faransiiska. Iceland ayey guul u rajeeyeen ciyaarta ay la’yeelan doonaan Faransiiska.

euroHadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.