Real Madrid waxay ku guulaysatay koobkii Champions League markii 11-aad

Kooxda Real Madrid ayaa qaaday koobkii Champions League markii 11-aad, Kadib markii ay riikoorayaal kaga adkaatay kooxda ay magaalada ka wada dhisan yihiin ee Atletico Madrid.


Real Madrid 5-3 Atletico Madrid ayey ku soo dhamaadeen riikoorayaashii, Iyadoo markii hore la isla dhaafiwaayey 1-1, Labada Kooxoodna ku guulaysan waayeen inay la yimaadaan goolal dheeri ah 30kii daqiiqo ee lagu daray.

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyey goolkii guusha kadib markii uu Juanfran cunay kiisii.

Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa u sheegay BBC qaybta Ciyaaraha in riikoorayaashu yihiin bakhtiya-nasiib aadan garan karin cida guulaysanaysa, Laakiin wuxuu leeyahay kooxdaydu waxay soo bandhigtay khibrado badan.

Zinedine Zidane ayaa Real Madrid la qaaday koobka isagoo ciyaartow u ah sanadii 2002, Waxaana lagu bedelay bishii January Rafael Benitez isagoo ilaa markaa ahaa tababaraha Bernabeu.

Kani waa Champions League 8aad ee lagu daro wakhti dheeri ah, Waana kii 7-aad ee lagu kala baxo riikoorayaal.

Zinedine Zidane waa ninkii labaad marka laga yimaado Miguel Munoz ee la qaada koobka Champions League Real Madrid isagoo ciyaartooy ah iyo isagoo tababare ahba.

Kooxda Real Madrid oo guushii u dabaal degaysa.
Kooxda Real Madrid oo guushii u dabaal degaysa.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.