Raysal Wasaarihii Dalka Austria ayaa si lama filaan ah isu casilay

Raysal Wasaarihii Dalka Austeriya Werner Faymann ayaa maanta si lama filaan ah xilkii isaga casilay isagoo dalkaas soo hogaaminayey tan iyo sanadii 2008.

Todobaadyadii ugu danbeeyey xubno badan oo xisbigiisa (SPÖ)  ka tirsan ayaa ugu baaqayey inuu is casilo kadib markii Xisbiga Midigta fog (Freedom Party ) kaga adkaaday wareegii koowaad ee doorashadii Madaxtooyada bishii hore.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimada dalkaas ee Vienna ayuu ka sheegay in loo baahan yahay Raysal Wasaare kalsooni buuxda ka haysta Xisbiga dhexdiisa si loo helo wada shaqayn buuxda.

Raysal Wasaare Werner Faymann oo warqadii iscasilaada gacanta ku sita.
Raysal Wasaare Werner Faymann oo warqadii iscasilaada gacanta ku sita.

Raysal Wasaare ku xigeenkii Dalkaas Reinhold Mitterlehner ayaa noqon doona Ku sime halka hogaanka Xisbiga SPÖ uu si ku meel gaar ah u qaban doono Michael Häupl oo ah Duqa Vienna.

Mitterlehner oo hogaamiye u ah Xisbiga isbaahaysiga kula ah Dowlada SPÖ ayaa sheegay in aysan jiri doonin doorasho xiligeedii laga soo hor mariyo taas oo ka dhigaysa in dalkaas aysan ka dhici doonin doorashooyinkii Baarlamaaniga ahaa tan iyo sanada 2018.

Masuuliyiinta Xisbiga SPÖ ayaa leh iscasilaada Raysal Wassaaruhu waxay fursad noo siin doontaa in aanu dib ugu dhisno Xisbiga.

Xisbiga Midigta fog ee ka soo horjeeda soo galootiga ayaa si weyn ugu guulaystay wareegii hore ee doorashada Madaxweynaha taas oo jaah wareer gelisay labada Xisbi ee dhexdhexaadka ah kuwaas oo dalkaas ka soo talinayey ilaa dhamaadkii dagaalkii labaad ee dunida.

Wadamada Yurub ayaa waxaa ku sii xoogaysanaya Xisbiyada Midigta fog kuwaas oo si adag uga soo horjeeda qaxootiga faraha badan ee ku soo qulqulaya qaarada iyagoo soo jiitay taageerayaal badan taas oo walaac badan ku abuurtay Xisbiyadii siyaasada furfuran ku soo hogaamin jiray dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub.

Faaqidaad.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.