Raysal Wasaaraha Turkiga oo xilka ka degaya.

Raysal Wasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa sheegay inuu xilka ka degi doono marka xisbigiisa AK ay isugu yimaadaan shir aan caadi ahayn dhamaadka bishan.

Isagoo aan ku qanacsanayn qorshaha Madaxweyne Erdogan ku doonayo inuu dalka Turkiga ugu raro nidaamka Madaxtooyada ayaa lala xiriirinayaa inay sabab u tahay iscasilaadiisa.

Ahmet Davutoglu ayaa horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibada waxayna mudo dheer degel wadaag ahaayeen Erdogan.
Ahmet Davutoglu ayaa horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibada waxayna mudo dheer degel wadaag ahaayeen Erdogan.

Laakiin mar uu la hadlayey warfidiyeenada wuxuu sheegay inuusan ku kacsanayn Madaxweynaha balse uu taageersan yahay.

Qofkii bedeli lahaa ayaa la soo xuli doonaa marka xubnaha xisbigu kulmaan 22 bishan May.

Cemil Ertem oo ah La taliyaha Madaxweynaha ayaa sheegay goor hore oo khamiistii ah in aysan jiri doonin doorashooyin la soo hormariyey marka Raysal Wasaaraha cusub la magcaabo.

Sidoo kale wuxuu u sheegay TV laga leeyahay Turkiga in dhaqaalaha dalka uu sii deganaan doono marka uu xilka qabto qof ay Madaxweynaha aad isugu dhow yihiin.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.