QM: Tirada qaxootigu waxay gaartay halkii ugu saraysay abid “65 Milyan oo qof”

Tirada dadka ay dagaaladu barabixiyeen ayaa gaartay halkii ugu saraysay abid, Sida ay sheegtay hay’ada qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay.


Waxay ku qiyaastay 65.3 Milyan oo qof dhamaadkii 2015, Kuwaas oo isugu jira qaxooti, magangelyo doon iyo barakacayaal, Tiradaas oo ka badan 5 Milyan sanadkii kaa ka horyeeyey ee 2014.

21.3 Waa qaxooti ka cararay dalalkoodii, 48.8 Waxay ku barakaceen gudaha wadamadooda halka 3.2 ay dalal kale ka dalbadeen magangelyo.

Madaxda UNHCR ayaa sheegay nacaybka sii kordhaaya ee qaxootigu loo hayo inuu ku riixay wadamo badan oo Yurub ah inay koobaan tirada ay qaabilaan.

Dadka tirada badan ee ku qulqulaya Yurub waa tii ugu badnayd tan iyo dagaalkii labaad ee dunida, Taasina waxay suurtagal uga dhigtay Xisbiyada midigta fog inay soo jiitaan taageerayaal badan oo la dhacsan siyaasadooda ka soo horjeeda soo galootiga.

Cunug yar oo qaxooti ah oo taagan Kaam ku yaal gevgelija, Dalka Serbiya.
Cunug yar oo Suuriyaan ah  oo taagan Kaam lagu qaabilo qaxootiga oo ku yaal gevgelija, Dalka Serbiya.

Maanta oo ku beegan maalinta qaxootiga aduunka (20 Jun) ayey Hay’adu soo saartay warbixinteedii sanad laha ahayd, Waana markii ugu horaysay ee tirada qaxootigu dhaafto 60 Milyan.

Kal bar dadka qaxootiga ahi waxay ka yimaadeen dalalka Suuriya, Afqaanistaan iyo Soomaaliya.

Hay’adu waxay sheegtay daqiiqad kasta in 24 qof lagu khasbo inay ka barakacaan guryahooda.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.