Qarax ka dhacay Muqdisho wax yar ka hor inta aanu ka degin Erdogan- Video

Rag hubaysan ayaa xoog ku galay Hoteel ku yaala bartamaha Muqdisho, Wararkuna waxay sheegayaan in ugu yaraan 10 qof ay halkaas ku dhinteen.


Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayey la beegsadeen albaabka hore ee Hoteel Ambassador ka hor inta aysan rag hubaysani gudaha u daadan, Sida uu sheegay goob jooge ku sugnaa.

Saraakiisha Ciidamada iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada ayaa la aaminsan yahay inay halkaas joogeen, Iyadoo la sheegay ugu yaraan 2 Xildhibaan inay ku dhinteen.

Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka dhow la leh ururka Al-qaacida ayaa si deg deg ah u sheegatay masuuliyada weerarkaas, Halka Saraakiisha sirdoonku sheegayaan in la soo afjaray.

Weerarkan ayaa dhacay wax yar ka hor inta aanu Muqdisho ka soo degin Madaxweynaha Turkiga.

Hoteelka la weeraray wuxuu ku yaalaa wadadii ay mari lahaayeen kolanyada Erdogan ka soo qaada garoonka diyaaradaha ee u sii wada xarunta Madaxtooyada.

Sanadii 2011 ayaa laga saaray kooxda Al-Shabaab Magaalada Muqdisho laakiin ilaa xiligaas waxay ka geysanayeen weeraro abaabulan iyo qaraxyo .

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA QARAXAAS.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.