Qarax ka dhacay Muqdisho- Faahfaahin

Qarax xoogan ayaa goor dhoweyd gilgilay Isgoyska Kaasabal’balaare oo ka tirsan Degmada Hodan ee Magaaladda Muqdisho, Welina si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee uu geystay.

Sawirku waa mid hore oo kayd ahaa.
Sawirku waa mid hore oo kayd ahaa.

Warar hordhac ah oo soo gaaray qaybta Warqabadka Warsidaha Faaqidaad ayaa sheegaya in tirada dhimashadu gaarayso ilaa 5 ruux halka dhaawacu intaas ka badan yahay.

Goob joogayaal ku sugnaa goobta qaraxu ka dhacay ayaa noo xaqiijiyey in lala eegtay gaari nooca dagaalka ah oo ay wateen Ciidamad Dowladu.

Nooca qaraxa ayaa la cadeeyey inuu ahaa miino wadada dhinaceed lagu aasay taas oo la kacday gaariga.


Ciidamada Dowlada ayaa la sheegayaa inay rasaas xoogan fureen kadib markii qaraxa lala eegtay, Waana suurtagal inay wax ku noqdeen dad shacab ah.

Goobtii qaraxu ka dhacay ayaa hada xiran, Waxaan markiiba soo buux dhaafiyey Ciidamo ka tirsan Dowlada.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.