Qarax ka dhacay Brussels

Booliska Biljamku waxay toogteen la-tuhunsane kadib markii uu qarax ka dhacay xarun tareemada laga raaco oo ku taal Brussels.


Dacwad-oogaha ayaa ku tilmaamay dhacdadaas mid argagixiso, isagoo sheegay inuu dhintay qofkii la toogtay.

Ciidamo waardiye ka hayey xarunta dhexe ee tareemada laga raaco ee Brussels ayaa toogtay eedaysanaha.

Ciidamada Biljamku waxay waardiye joogta ah ka qabtaan goobaha dadweynaha| © AP.
Ciidamada Biljamku waxay waardiye joogta ah ka qabtaan goobaha dadweynaha| © AP.

Toogashadu waxay dabo socotay qarax yar oo halkaas ka dhacay, sida ay sheegtay haweenay u hadashay Booliska.

Warbaahinta ayaa sheegtay in Boolisku ka daad gureeyeen dadka qaar ka mid ah goobaha dadweynaha ee caasimada.


Raysal Wasaaraha Biljamka Charles Michel iyo Wasiirka Arrimaha Gudahu waxay xaalada kala socdaan xarun hawlgal.

©Faaqidaad.


Fadlan Like saar bogayaga Facebook.

Leave a Reply

Your email address will not be published.