Prof: Samatar wuxuu ku biiray Kulmiye

Prof: Axmed Ismaaciil Samatar ayaa go’aansaday inuu ku biiro Kulmiye, Kadib markii ay miro dhaleen wada hadalo uu la’lahaa hogaanka Xisbigaas, Sida uu fahansanyahay Faaqidaad.


Wefti uu hogaaminayo Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi uuna xubin ka ahaa Prof. Samatar ayaa maanta gaaray Boorame.

Munaasabad afur ah oo la isku xog waraystay ayey weftigu caawa la qaateen duubabka dhaqanka iyo waxgaradka reer Awdal.

Xaflad balaaran oo la doonayo in lagu shaaciyo go’aankaas, Ayaa qaban qaabadeeda laga dareemayaa Magaalada Boorame, Taas oo beri ka dhici doonta Hoteel Saw.

Samatar oo mudo dheer ka soo horjeeday qadiyada gooni isutaaga Somaliland, Wuxuu u weecday Hargeysa markii lagaga adkaaday doorashadii Madaxtooyada Soomaaliya sanadii 2012.

Wixii markaas ka danbeeyey wuxuu gacan ka siinayey Somaliland sidii ay dunida uga heli lahayd aqoonsi.

Horay ayuu u sheegay inuu ku biiri doono mid ka mid ah sadexda Xisbi qaran, Si uu uga soo dhex muuqdo saaxada siyaasada.

Madaxweyne Ku xigeenka xiligan Cabdiraxmaan Saylici oo ay isku jifo hoose yihiin iyo Cuqaashiisa ayaa ku riixay inuu ku biiro Kulmiye, Maadaama beeshu xisbigaas taageerto.

Waa suurtagal in Samatar bedelo Saylici, Sidaana loogu doorto musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ee Kulmiye uga qayb gelaya doorashooyinka 2017, Sida uu fahansanyahay Faaqidaad.

Muuse Biixi iyo Samatar maanta waxay gaareen Boorame.
Muuse Biixi iyo Samatar maanta waxay gaareen Boorame.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.