Portugal waa horyaalka qaramada Yurub

Inkasta oo Ronaldo dhaawac ahaan ciyaarta looga saaray 25kii daqiiqo oo u horeeyey, hadana kabtanka Portugal guul uu la gaaro qarankiisa waxay u tahay riyo uu mudo kutaamayey oo u rumoowdey.


Ronaldo oo horay ugu soo ciyaaray Man Utd haatana u dheela Real Madrid wuxu kula guulaystey 3 jeer koobka kooxaha qaarada yurub, sidoo kalena wuxu la qaaday horyaalada Ingiriiska iyo Spain.

Dhawr jeerna wuxu ku guuleystey laacibka ugu wanaagsan dunida, guusha Portugal gaartay wexey uga dhigantahay inuu ka adkaaday Messi oo xifaaltan ka dhexeeeyo.

Messi ayaa bishii hore shaaciyey inuu ka fariistay ciyaaraha qaranka isagoon wax guul ah usoo hoyn dalkiisa.

Xulka Portugal oo koobkii u dabaal degaya.
Xulka Portugal oo koobkii u dabaal degaya.

Faransiiska oo horay ugu guulaystay koobkii Yurub ee 1984tii dalkiisa lagu qabtay iyo Koobkii Aduunka ee 1998dii ayaa aad loogu saadaalinayey qaadista koobkan.

2004tii ayey ahayd markii Portugal gurigooda sima lama filaana Giriigu uga qaaday Koobkii Yurub. Xiligaas oo ay u dheelayeen Portugal Luis Figo , Rai Costa iyo Nuno Gomes, Ronaldo oo 19 jir ah ayaa isagana qaybtii dambe bedel kusoo galay.

Like saar boga Faaqidaad ee Facebook.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.