Obama wuxuu si rasmi ah u taageeray Hillary Clinton- Video

Madaxweyne Barack Obama ayaa si rasmi ah taageeradiisa u siiyey Hillary Clinton, Labo maalin kadib markii ay ku guulaysatay musharaxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee dooraashada Madaxweynaha.


“Waan ogahay sida shaqadani u adagtahay, Waana ogahay in Hillary tahay qof ku haboon” Ayuu yiri Obama oo ka soo muuqday muuqaal lagu baahiyey boga ololaha Clinton.

Hadalka Obama ayaa ku soo aadaya wax yar kadib markii uu aqalka cad kula kulmay ninka loolan’ka adag kala dhexeeyo Clinton ee lagu magcaabo Senator Bernie Sanders.

Sanders wuxuu sheegay markii uu soo dhamaaday kulankii uu la qaatay Obama inuu ku sii jirayo tartanka ilaa laga gaarayo shirweynaha Xisbiga.

Obama iyo Clinton.
Obama iyo Clinton.

Sanders wuxuu sheegay inuu la kulmayo Hillary maalmaha soo socda, Isagoo balan qaaday inuu ka shaqayn doono sidii looga adkaan lahaa Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, Marka la gaaro doorashada guud.

Trump oo adeegsanaya bartiisa Twitterka ayaa daadifeeyey taageerada Obama siiyey Clinton, Isagoo leh wuxuu doonayaa inuu sii joogo aqalka cad 4 sano oo kale.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKII OBAMA KU TAAGEERAY CLINTON.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.