Ninka la’hayaa maaha ninkii aadka loo raadinayey

Saaxiibadda nin laga soo qabtay Suudaan oo iminka ku xiran Talyaaniga loona haysto eedaymo ah inuu yahay ninka dadka kasoo tahriibiya Africa ayaa leh ninkaas waa lagu khaldamay.


Garyaqaanada dembiga kusoo oogey ayaa aaminsan in Mered Medhanie, loona yaqaan Generaal, yahay ninka haysta shabakadda ugu weyn ee dadka Yurub uga soo tahriibisa Afrika.

Laamaha amaanka ayaa leh Mered waxa lagu xiray Suudaan bishii Maajo Taaladadii ayaana Roma loosoo duuliyey.

Hase ahaatee saaxiibkiis ayaa BBC u sheegay in nin kaas lagu khaldamay magiciisana la yiraahdo Mered Tesfemeriam.

Haweenay joogta Norway oo sheegtay inay walaalo yihiin ninka la xiray, Ayaa u sheegtay Barnaamijka Newsnight ee ka baxa BBC in walaalkeed aanu gebi ahaanba dembi lahayn.

Laakiin hay’ada la dagaalanka Dembiyada dalka Ingiriiska oo marka mageceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan (NCA ) ayaa leh xogta aanu hayno waa mid lagu kalsoonyahay.

Ninka laamaha amaanku aaminsanyihiin inuu yahay Mered Medhanie oo Talyaaniga loo dhoofiyey.
Ninka laamaha amaanku aaminsanyihiin inuu yahay Mered Medhanie oo Talyaaniga loo dhoofiyey.

NCA ayaa ku eedaysay Generaal inuu yahay ninka soo raray doon ku degtay meelaan ka fogeyn Lampeduusa bishii Oktoobar 2013kii.

Ugu yaraan 359 Magangelyo doon ah ayaa ku dhintay, Kadib markii doontii ay saarnaayeen qalibantey. Badankoodu wexey ahaayeen Soomaali Iyo Ereteriyaan.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.