Nin weeraray dukaan ku yaala Maraykanka oo la dilay

Booliska ayaa dilay nin hubaysan oo dad badan afduub ahaan ugu qabsaday dukaan ku yaala magaalada Amarillo, Texas ee dalka Maraykanka.


Nin hubaysan ayaa goor sheegta Texas markay ahayd 11:30am galay dukaan ay leedahay shirkada Walmart, Wuxuuna halkaas dadka ku haystay mudo 90 daqiiqo ah.

Booliska Amarillo ayaa sheegay inay toogteen ninkii dadka afduubtay isla markaana ay soo samatabixiyeen la’haystayaashii.

Ma jiro cid kale oo dhacdadaas ku dhimatay ama dhaawac ka soo gaaray, Sida ay sheegeen Boolisku.

Haweenay u hadashay shirkada Walmart ayaa u mahadcelisay Booliska, Iyadoo leh dadkii oo dhami waa nabad qabaan.

Warbaahinta qaar ayaa sheegaya in ninka weerarkaas geystay uu asal ahaan ka soo jeedo dalka Soomaaliya, Balse Boolisku waa ka gaabsadeen inay wax tafaasiil ah ka bixiyaan.

Ciidankii ka qayb qaatay hawlgalkaas.
Ciidankii ka qayb qaatay hawlgalkaas.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.