Nairobi oo laga taageeray Maamulka Cusub ee Woqooyi Bari

Xaflad aad u balaaran oo ay kasoo qayb galeen Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa lagu taageeray Maamulka ku meel gaarka ah ee dhowaan looga dhawaaqay Degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag.


Xildhibaanad hore Caasha Axmed Cabdalla oo madasha ka hadashay ayaa carabka ku adkaysay in dadkani yihiin dadkii keenay Gobanimadda Soomaaliya. ”12000 wiilna uga dhinteen weerar dhinaca cirka ah oo Gumeystihii ingiriisku ku qaaday”.

Cali Axmed Faatax Madaxweynaha ku meel gaar ka ah ayaa dhankiisa rajo wanaagsan ka muujijiey in Maamulkiisu hirgalo ”Guushu waa ay dhowdahay wax laga baqaana majiro” ayuu yiri Madaxweyne Faatax.

Maamulka Woqooyi Bari?

Soomaaliya ayaa qaadatay hanaanka Federaalka Dagaal sokeeye oo daba dheeraaday kadib. Maamulkan ayaa noqonaya kii afraad oo ka dhisma Woqooyiga Soomaaliya .

Maamulada Awdal, Khaatumo iyo Woqooyi Bari ayaa dhamaantood ah Midnimo doon iyagoo doonaya inay xubin ka noqdaan hanaanka Federaalka ah oo ay Soomaaliya qaadatay.

Soomaaliland ayaa iyadu horay ugu dhawaaqday gooni isu taag waxaana jira dhexdhexaadin Turkey ka dhex wado Dawlada Federaaalka iyo Maamulka Soomaaliland.

Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Federaalka ah ee Dawladu aqoonsantahay ayaa dhamaantood ah kuwo ka dhisan Koonfurta Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO XAFLADA LAGU TAAGEERAY MAAMULKAAS.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.