Muuse Biixi wuxuu ku eedeeyey Itoobiya dib u dhaca aqoonsiga Somaliland

Muuse Biixi Cabdi.
Muuse Biixi Cabdi.

Gudoomiyaha Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye oo ay suurtagal tahay inuu bedelo Madaxweynaha hada xilka haya, Wuxuu ku eedeeyey Addis Ababa dib u dhaca aqoosiga Soomaaliland, Isagoo leh kama aysan jawaabin 25kii sano ee la soo dhaafay.

Muuse Biixi Cabdi wuxuu u sheegay Jimcihii Wargayska ka soo baxa Itoobiye ee The Reporter iyo koox kale oo weriyayaal la soo xulay ah, Caqabada ugu weyn ee Somaliland ka haysata sidii ay u noqon lahayd dal madax banaan rubuc qarnigii la soo dhaafay inay tahay Addis Ababa.

Caqabada ugu horaysa uguna weyn ee dalkaygu wajahay waa Midowga Afrika kaas oo degen daarta Addis Ababa ugu dheer, Siduu hadalka u dhigay.

“Dowlada Somaliland waxay u gudbisay Midowga afrika dalabkeeda aqoonsi caalami ah tobanaan sano ka hor laakiin lama tixgelin” Ayuu yiri.

Caqabada labaad ee aanu wajahnay waa dalalka deriska nala ah “Itoobiya, Jabuuti iyo Kiiniya” kuwaas oo si ka fiican Afrikada kale u garanaya arrintayda, Si kasta ha ahaatee iyaguna waa ka aamuseen qadiyada Somaliland, Ayuu ku sii daray.

Wuxuu sheegay Itoobiya inay cudur daar ka dhiganayso colaadaha mudada dheer kala dhexeeyey Soomaaliya iyo in ay tahay dhex dhexaad maadaama ay martigelisay xarunta midowga Afrika, “Sidaa si la mid ah ayey Kiinya iyo Jabuuti cudur daar ka dhiganayaan, Mana doonayaan inay noqdaan dalka ugu horeeya ee Somaliland aqoonsada”, Ayuu hadalkiisa sii raaciyey.


Dadka odorosa siyaasada, Waxay ku eedaynayaan quwdaha dunida gaar ahaan Maraykanka iyo Midowga Yurub inay hortaagan yihiin aqoonsi ay hesho Soomaaliland si ay u ilaaliyaan midnimada Soomaaliya.

Laakiin Gudoomiye Biixi waa ka soo horjeedaa fekreda sidaa oranaysa isagoo leh “Waxaan nahay Afrika waana u madax banaanahay go’aamadeena xataa hadii ay jirto saamaynta reer galbeedku”.

Sidoo kale Gudoomiye Muuse wuxuu aaminsan yahay in Madaxda Afrika ay cabsanayaan marka ay timaado in Somaliland la aqoonsado.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad + The Reporter.

Leave a Reply

Your email address will not be published.