Mooshin ka dhan ahaa Khayre oo fashilmay

Mooshinkii ay wadeen qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee ka dhanka ahaa Raysal Wasaare Khayre waa fashilmay.


Xildhibaano badan oo horay u saxiixay mooshinka ayaa dib uga gurtay markii ay cadaadis balaaran kala kulmeen dhinacyo dhowra.

Urur siyaasadeedka Daljir iyo Kooxda Damuljadiid ayaa la rumaysanyahay inay riixayeen mooshinka saqiiray.

Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre wuxuu kasbaday quluubta malaayiin Soomaali ah.

Sida la tuhunsanyahay waxaa qayb ka ahaa mooshinka dalal daneeya arimaha Soomaaliya oo mudadii burburka faragelin ku hayey.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaaka ayaa u sheegay Faaqidaad inay u joojiyeen mooshinka si ay fursad u siiyaan xukuumada.


Mooshinka waxaa gaashaanka ku dhuftay bulshada oo aad u taageersan Xukuumada curdinka ah ee Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

©Faaqidaad.


Fadlan Like saar bogayaga Facebook.

Leave a Reply

Your email address will not be published.