Midowga Yurub oo u digay Ingiriiska “Bixitaan waa bixitaan”

Ingiriisku ma awoodi doonaan inay ku soo laabtaan miiska wadaxaajoodka hadii ay u codeeyaan ka bixitaanka Midowga Yurub, Sidaa waxa yiri Juncker.


Madaxweynaha Komishinka Yurub Jean-Claude Juncker oo markii ugu horaysay ka hadlay aftida beri looga dareeri doono Ingiriiska, Ayaa sheegay natiijada ka soo baxda codbixintaas inay noqon doonto mid kama danbays ah.

Ingiriiska ayuu xusay in aanu Midowga Yurub ka heli doonin heshiis ka wanaagsan kii ay horay ula galeen Raysal Wasaare David Cameron.

“Bixitaan waa bixitaan” Ayuu yiri Juncker oo meesha ka riixay suurtagalnimada in Ingiriisku dib ugala xaajoodo Midowgaas xubinimadiisa.

Duqii hore ee London Boris Johnson ayaa ku tilmaamay hadalkii Cameron ee ahaa in Ingiriisku guul ka gaari karo sidii uu Midowga Yurub isbedel ugu samayn lahaa isagoo aan ka bixin “Wax laga xishoodo oo dhagar ah” Marba hadii Juncker albaabkaas xiray.

“Siyaasiyiinta Ingiriiska iyo codbixiyayaashu waa inay ogaadaan in aaney jiri doonin wax wadaxaajood ah oo danbe” Ayuu Juncker u sheegay weriyayaasha mar uu shir jaraa’id la qabtay Raysal Wasaaraha cusub ee Austeriya Christian Kern.

Juncker
Juncker iyo Raysal Wasaaraha cusub ee Austeriya Christian Kern.

Wuxuu xusay inuu gaarsiisnaa halkii ugu saraysay “Meel aan laga sii riixi karin” heshiiskii ay la galeen Raysal Wasaare Cameron.

In ka yar 24 saacadood ayaa ka haray markii ay dadka Ingiriisku u dareeri lahaayeen goobaha codbixinta si ay u go’aamiyaan in dalkoodu ka baxo ama ku sii jiro Midowga Yurub.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.