Midowga Yurub gorgortan kama geli doono xoriyadda dhaqdhaqaaqa

Ingiriisku waa inuu u hogaansamo mabaadiida xoriyada dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta Midowga Yurub hadii uu doonayo in loo ogolaado adeegsiga suuqa ka dhexeeya midowga, Sida ay sheegeen hogaamiyayaasha MY.


Raysal Wasaarada Jarmalka iyo Madaxweynaha Faransiiska ayaa si cad u sheegay in aan marna laga wadaxaajoon doonin xoriyada dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta Midowga Yurub.

Soo galootiga ku soo jabay Ingiriiska ee ka yimaada wadamada saboolka ah ee Midowga Yurub ayaa fure u ahaa arrimihii lagu galay ololihii bixitaanka.

Qaar ka mid ah xubnihii u ololaynayey in Ingiriisku iskaga boxo Midowga Yurub waxay si cad u sheegeen in codayntu la macno tahay xakamaynta soo galootiga.

Raysal Wasaaraha xilka ka sii degaya David Cameron ayaa sheegay in arrinta xoriyada dhaqdhaqaaqa ay tahay inuu go’aan ka gaaro Raysal Wasaaraha soo socda.

Angela Merkel oo ku sugan shirka hogaamiyayaasha MY.
Angela Merkel oo ku sugan shirka hogaamiyayaasha MY.

Muwaadin kastaa inuu u safro ama dego dalkii uu doono oo xubin ka ah Midowga, waa mid ka mid ah mabaadiida uu Midowga Yurub ku dhisanyahay.

LIKE saar boga Faaqidaad ee Facebook.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.