Messi oo ka fariistay ciyaarihii qaranka Argentina

Messi ayaa ka fariistay ciyaarihii xulka Argentina kadib markii uu lumiyey gool ku laad ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Copa America, Chile ayaa gool kulaad ku qaaday koobkii.


Sagaalkii sanadood ee u dambeeyey afar cayaarood oo kama dambaysa ayaa Argentina koobka lagaga qaaday.

Messi oo 29 jir ah waxa uu kooxdiisa Barcelona kula guulaystay sideed jeer horyaalka La liga dalka Spain iyo afar jeer horyaalka kooxaha qaarada yurub.

Laakiin guusha keliya oo qarankiisa uu u soo hooyey waa koobkii Olompikada 2008 oo Argentina qaaday.

Laba jeer waxaa koobka Copa America gool kulaad kaga qaaday Chile, Sidoo kale Jarmalka ayaa 2014kii 1-0 uga qaaday Koobka Aduunka.

2007dii cayaartii kama dabaysta Copa America waxa ka adkaatay Brazil.

Messi shan jeer ayuu ku guulaystay laacibka aduunka ugu fiican. 113 kulan uu u saftay Argentina wuxuu u dhaliyey 55 gool, waana laacibka ugu gool dhalinta badan Argentina abid.

”Waxa layga guulaystay afar caayaarood oo kama dambays ah” ayuu yiri Messi isagoo raaciyey weligey waan jeclaa inaan Qarankayga guulo usoo hooyo wexey iila muuqatay inaanay hada kadib suurtagal ahayn.

Messi.
Messi.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.