Maxkamada QM oo dhegeysan doonta khilaafka dhinaca xadka badda ah ee Soomaaliya iyo Kiiniya

Maxkamada caalamiga ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan cadaalada ayaa ku dhawaaqday inay sanadkan dhegeysan doonto khilaafka dhinaca xadka badda ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kiiniya.

Xeer beegta Maxkamada Maxkamada caalamiga ah ee Qaramada Midoobay.
Xeer beegta Maxkamada caalamiga ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan cadaalada.

Dalka Soomaaliya ayaa ka cawday Kiiniya oo sida uu sheegayo si khalda ah u sheegtay qayb ka mid ah dhul badeedka uu ku leeyahay baddweynta Hindiya, Aagaas oo laga yaabo inuu qanci ku noqdo Shidaalka iyo Gaaska.

Aaga lays ku khilaafsan yahay ayaa ka badan 100,000 KM oo isku wareeg ah.

Kiiniya ayaa ku doodaysa in si toos ah loo dhigo xariiqda xuduudeeda dhulku ka gasho badda, Taas oo siinaysa dhul badeed dheeraad ah.

Sawir muujinaya dhulbadeedka lagu muransan yahay.
Sawir muujinaya dhulbadeedka lagu muransan yahay.

Halka Soomaaliya sheegayso in si toos ah loogu socdo xariiqda xuduudeeda dhulku ka gasho bada oo aadaysa jihada koonfureed, Taas oo dhankeeda siin doonta dhul badeed dheeraad ah.

Sida ku qoran gal dacwadeedka Soomaaliya u gudbisay maxkamada sanadii 2014 “Labada dal iskuma raacsana halka ay marayso xariiqda xuduuda baddu”, Sida laga soo xigtay maxkamada, Sidoo kale labada dal waa ku guuldaraysteen inay khilaafkooda ku xaliyaan wadahadalo diblomaasiyadeed.


Dhegaysiga dacwadan ayaa socon doonta inta u dhaxaysa 19 ilaa 23 bisha sagaalaad ee sanadkan ( 19-23/09/2016).

Hadii aad doonayso inaad akhrisatid warbixintan oo ku qoran English, Fadlan (HALKAN RIIX).

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.