Markabkii ku kiraysnaa magaca Faraax Cabdiqaadir wuxu siday hub

Markabkii ku kiraysnaa magaca Faarax Sh. Cabdulqaadir oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya waxa laga helay hub, Sida uu Faaqidaad u sheegay sarkaal ka tirsan Dowlada Jabuuti.


MV’Liberty oo hada lagu hayo Dekeda Jabuuti wuxuu dib uga soo noqday Xudayda, Kadib markii ay u diideen inuu u gudbo magaaladaas isbaahaysiga uu Sucuudigu hogaamiyo.

Sida ku cad warqadaha markabka lagu soo raray wuxuu sidaa sahay bini’aadanimo, Taas oo ay leedahay hay’ad fadhigeedu yahay Kiiniya laguna sheegay Islamic Charity Foundation.

Xildhibaan Faarax Sh. Cabdulqaadir oo ka wakiil ah hay’adaas khayriga ah ayuu markabku u kiraysan yahay, Sida ku xusan waraaqaha.

Waxa la aaminsanyahay in hubkani u socday Xuutiyiinta Yaman oo iyagu gacanta ku haya Xudayda iyo qaybo badan oo dalkaas ka mid ah.

Dowlada Iiraan oo taageerta Xuutiyiinta dagaalka kula jira Sucuudiga iyo xulufadiisa, Ayaa la tuhunsan yahay inay hubkan soo dirtay, Sida uu noo xaqiijiyey sarkaalku.

Magaalada Hudaydah waxaa gacanta ku haya Xuutiyiinta.
Magaalada Xudayda waxaa gacanta ku haya Xuutiyiinta.

Faarax Sh. Cabdulqaadir oo ay saaxiibo dhow yihiin Madaxweyne Xasan waa iska fogeeyey inuu wax lug ah ku leeyahay markabkaas.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.