Maraykanku wuxuu u aarguday Puntland

Maraykanka oo kaashanaya xulufadiisa Gobolka ayaa qaaday Axadii duqayn ka dhan ah Al-Shabaab taasoo jawaab u ahayd falkii ay dhowaan qaadeen maleeshiyada kooxdaas, sida ay sheegeen saraakiisha Waaxda Difaaca.


Al-Shabaab oo ah koox mayal adag oo xiriir la leh shabakada Al-Qaacida ayaa weeraray Khamiistii saldhig ciidan oo uu lahaa maamulka Puntland, halkaas oo ay ku dileen 59 ruux sida ay sheegeen saraakiisha Soomaaliya.

Maraykanku wuxuu sheegay inuu u duqeeyey Al-Shabaab si uu ugu aargudo xulufadiisa muhiimka ah ee ku gacansiisa dagaalka uu kula jiro argagixisada caalamiga ah qaybtooda Soomaaliya.

Maraykanka ayaa mudo dheer gacan siinayey Soomaaliya.
Maraykanka wuxuu si joogta ah u duqeeyaa fariisimaha Al-Shabaab.

Waaxda Difaaca Washington ayaa siinaysay taageero ciidan maamul goboleedka Puntland tan iyo sanadii 2002, iyadoo ka taageerta tababarka, taakulada iyo dhinaca maaliyada.

Xoogaga Puntland ee loo yaqaaan Puntland Security Force (PSF) ayaa la rumaysanyahay inay taageero toosa ka helaan Maraykanka, iyadoo lagu amaano inay yihiin ciidanka keliya ee si buuxda ugu babac dhigi kara Al-Shabaab.


Weerarkii dhowaan ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday tuulada Af-urur ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Puntland soo gaara tan iyo intii ay buuraha Galgala kula dagaalamaysay kooxaha mayalka adag.

©Faaqidaad.


Fadlan Like saar bogayaga Facebook.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.