Maraykanku wuxuu taageeray Al-Qaacida – Putin

Madaxweynaha Ruushka oo u waramayey Oliver Stone ayaa ku eedeeyey Maraykanka inuu ka masuul ahaa soo bixitaankii Al-Qaacida iyo maalgelinta hogaamiyahoodii hore Osama bin Laden.


Washington waxay taageertay xoogagii xagjiray ee ku sugnaa Afqaanistaan si ay ula dagaalamaan ciidamadii Midowgii Soofiyeeti ee ku duulay dalkaas, ayuu yiri Putin.

Vladimir Putin ayaa sheegay inay hayaan cadaymo muujinaya hay’ada sirdoonka Maraykanka CIA inay taageerto kooxaha xagjira ee ka dagaalama Jamhuuriyada Chechnya.

“Al-Qaacida maaha natiijada hawlgalkayagii. Tani waa natiijo ka dhalatay talaabooyinkii ay qaadeen saaxiibadayada Maraykanku” Ayuu sii raaciyey Putin oo waraysi dheer siiyey Stone.

Madaxweynaha Ruushka Putin.
Madaxweynaha Ruushka Putin.

Maraykanka ayuu ku dhaliilay inay taageereen xiligii Soofiyeetiku ku sugnaa Afqaanistaan dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo Islaamiyiin ah si ay meesha uga saaraan Moosko.

Taageeradii Washington siisay Islaamiyiinta ayuu xusay inay ku noqtay dhabarjab markii ay weeraro argagixiso ku soo qaadeen, iyagoo noqday xagjiriintu kuwo aan la xakamayn karin.

Wuxuu sheegay Moosko inay dhinac istaagtay Washington markii ay Al-Qaacida ku qaaday weeraradii 9/11, ayna joojiyeen dhoolatusyo ciidan oo qorshaysnaa si ay ugu muujiyaan garab.


Maraykanku wuxuu teegeeray sanadihii Sideetameeyadii Islaamiyiin u jihaad tegay Afqaanistaan, si ay u jebiyaan Midowgii Soofiyeeti oo uu xiligaa ka dhexeeyey dagaalkii qaboobaa.

©Faaqidaad.


Fadlan Like saar bogayaga Facebook.

Leave a Reply

Your email address will not be published.