Maraykanka: Diblomaasiyiin ku baaqay in la duqeeyo Asad

In ka badan 50 diblomaasi oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibada ayaa saxiixay warqad ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan siyaasada Aqalka cad ku wajahay Suuriya.


Waxay ku baaqeen in la duqeeyo dowlada Madaxweyne Bashaar Al-Asad.

Siyaasada xiligan waa mid ka dhan ah mucaaradka Suuriya, Isla markaana ka saacidaysa Madaxweyne Asad inuu xilka sii hayo, Ayey ku yiraahdeen warqad ay si wada jir ah u saxiixeen.

51 diblomaasi oo kala taliya dowlada Arrimaha Suuriya ayaa qoraalka si wada jir ah u soo saaray.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibada ayaa sheegay in qoraalkaasi soo gaaray, Laakiin wuxuu ka gaabsaday inuu wax jawaab ah ka bixiyo.

Qoraalku wuxuu ku baaqayaa in la qaado talaabo ciidan oo lagu handadayo Asad, Iyagoo leh xiligan ma dareemayo cadaadis uu kula hadlo mucaaradka.

Burbur kasta oo ku yimaada hanaanka nabada ee ay wadaan Maraykanka iyo Ruushka ayey xuseen inay faa’ido u tahay Xukuumada Dimishiq.

Tan iyo intii Ruushku soo farageliyey dagaalka sukeeye ee Suuriya, Madaxweyne Asad waa ka gacan sareeyey kooxaha ku kacsan isagoo dhul badan kala wareegay.

Ma muuqdaan tilmaamo muujinaya in Aqalka cad weerari doono Dimishiq inta uu xafiiska joogo Madaxweyne Obama.

Diyaaradaha wax duqeeya.
Diyaaradaha wax duqeeya.

Obama ma doonayo inay faraha la galaan dal kale oo bariga dhexe ah, Sababta oo ah dalkiisu wuxuu la daalaa dhacayaa fashilkii ay ka qaadeen Liibiya iyo Ciraaq.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.