Maraykanka: 50 ayaa lagu dilay weerarkii lagu qaaday Orlando

50 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday goob lagu caweeyo oo ku taala magaalada Orlando, Florida ee dalka Maraykanka.

Xaalad deg deg ah ayaa Gobolkaas lagu soo rogay, Sida uu ku dhawaaqay Maayarka degmadaas.

Ninka weerarka geystay ayey saraakiishu ku sheegeen magaciisa Omar Mateen, Waana la dilay kadib markii uu dad badan qafaashay.

Ugu yaraan 50 kale ayaa ku dhaawacmay weerarka lagu qaaday Pulse club oo aha goob ay ku caweeyaan dadka loo yaqaano khaniisiinta (gay).

Waa toogasho wadareedii ugu xumayd abid taariikhda Maraykanka, Ciidanka Booliskuna waxay falkaas ku sifeeyeen mid argagixiso.

Askari ka qayb qaadanaya hawlgalkii samatabixinta.
Askari ka qayb qaadanaya hawlgalkii samatabixinta.


 


Qaar ka mid ah dadkii dhaawacmay.
Qaar ka mid ah dadkii dhaawacmay.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.