Maraakiibta Ruushka oo duqeeyey Suuriya

Labo markab iyo gujis ay leeyihiin Ciidanka Badda Ruushka ayaa gantaalada Kalibr ku ganay Suuriya, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigu.


Gantaaladan oo lala beegsaday kooxda la magacbaxday Khilaafada Islaamka (IS) haraadigii ka badbaaday waxaa lagu duqeeyey diyaarado.

Maraakiibta duqaynta geystay waxay ku sugnaayeen bariga badda Mediterraneanka, halka uu gujisku ka ganay gantaalada badda hoosteeda.

Maraakiibta dagaalka Ruushka | © Yuri Maltsev/Reuters.
Maraakiibta dagaalka Ruushka | © Yuri Maltsev/Reuters.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Ruushka ayaa lagu sheegay in duqaynta lagu burburiyey kolanyo gaadiid ah iyo xarumo talis.

Moosko waxay sheegtay wax yar ka hor intii aysan qaadin weerarka inay digniin wargelin ah siisay Turkiga iyo Israa’iil.


Ruushka oo taageera Madaxweyne Assad wuxuu marar badan Badda ka duqeeyey maleeshiyaadka ku kacsan xukuumada Suuriya.

©Faaqidaad.


Fadlan Like saar bogayaga Facebook.

Leave a Reply

Your email address will not be published.