Maqaalo

Hab-dhaqameedka daaqsiga ee Soomaalidu waa mid furan ama xor ah (free grazing); iyadoo qof waliba meeshii uu door bido uu xoolihiisa u foofsado, u hayaansado; isla markaasna, uu ceelkii uu qaayibsan yahay ee suurto gal ah uu ka waraabsado. Xornimo foofsigaasi waa sooyaal ama waa mid Abadan lagu soo socdey; mana jirto wax qorshe daaqsimeed ah ama kala dhitaysi daaq ah oo lagu talo galo; taas macneheedu waxa weeye; markii roobab da’aan ayaa deegaantu ama dooggu soo baxaa; bulshada miyi xoolohooda si xor ah ayey u daaqsadaan geedahaas naqu saaray; isla markaas, wixii doogga ka soo hadha ee jiilaalka gaadha ayaa xilliga xiga ee jiilaalka ah xoolaha daaq u noqda ooy ku biyo cabbaan…