Magaalada Cadan ayaa laga mamnuucay qaadka maalmaha shaqada

Maamulka Cadan oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Yaman ayaa ka mamnuucay in qaadka lagu dhex iibiyo maalmaha shaqada.

Suuqyadii lagu iibin jirey qaadka iyo kuwii lagu cuni jirey ayaa haawanayey maanta oo Isniin ah Ciidamada Dowlada taageersana waxay u diideen inay soo galaan magaaladaas gaadiidkii siday.

Ciidamada Dowlada taageersan oo joojiyey gaari qaad sida.
Ciidamada Dowlada taageersan oo joojiyey gaari qaad sida.

Baaqyo cabasho ah oo ka soo yeeray dadka deegaanka oo ku doodaya qaadku inuu halis ku yahay Amaanka, Arrimaha Bulshada iyo Caafimaadka ayaa horseeday in la mamnuuco sida ay sheegayaan maamulayaashu.

Rayi ururin horay loo sameeyey ayaa lagu ogaaday in 90% raga dalkaas ku nooli ay cunaan qaadka, Dumarka ayaan yaraysan oo 50% ka mid ah ayaa cuna.

Jidgooyooyin ayaa la dhigay dhamaan hareeraha magaalada si ay uga joojiyaan in qaadka la soo geliyo  sida uu Wakaalada wararka ee AFP u sheegay goob jooge halkaas ku sugan.

Maamulayaasha magaaladaas ayaa ogol in keliya qaadka la cuno Khamiista iyo Jimcaha oo ah maalmo aan shaqo jirin.

Sidoo kale qabaa’ilka gacanta ku haya magaalada Mukuli ayaa isku deyeya inay qaadka ka joojiyaan magaaladaas.

Qaadka ayaa mamnuuc ka ah Dalka Maraykanka iyo inta badan dalalka Yurub, Ha’ayada Caafimaadka aduunka ee WHO waxay ku tilmaantay inuu yahay maandooriye kaas oo sababi kara xanuunada nafsiga ah.

Saamayntiisa Soomaaliya.

Qaadka ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay masiibo weyn oo Soomaalida la degtey kaas oo si weyn u naafeeyey nolosha bulshada.

Dalalka deriska la’ah ayaa u soo daabula dalka Soomaaliya maalin kasta diyaarado qaad ah iyagoo kaga bedesha lacago adag taas oo curyaamisay Dhaqaalihii, Dhaqankii iyo Caafimaadkii.

Qaadka ayaa si weyn u naafeeyey dhaqaalaha Soomaaliya
Qaadka ayaa si weyn u naafeeyey dhaqaalaha Soomaaliya

Soomaalida u soo hayaamay qurbaha ayaan ka badbaadin masiibadaas qaran inkasta oo olole uu horkacayey Abuukar Cawaale (qaad diid) qaadkii lagaga joojiyey dalka Ingiriiska halkaas oo uu faro ba’an ku hayey.

Dadaalada loogu jiro sidii gudaha Soomaaliya looga joojin lahaa qaadka ayaan marna joogsan waloow maqnaanshaha Dowlad dhexe oo awood leh iyo farogelinta wadamada Gobolku ku hayaan dalka ay rajo beel ka dhigeen dadaaladaas.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad. 

Leave a Reply

Your email address will not be published.