Madaxweynihii hore ee Dalka Chad oo xabsi daa’in lagu xukumay

Keli-taliyihii hore ee Dalka Chad Hissene Habre ayaa lagu helay denbi ah inuu geystay xasuuq iyo gabood falo kale oo ka dhan ah Aadanaha mudadii sideeda sano ahayd ee uu dalkaas xukumayey.

Habre oo gacanta taagaya markii xukunku ku dhacay.
Habre oo gacanta taagaya markii xukunku ku dhacay.

Maxkamad gaar ah oo ku taala Dalka Sanagal ayaa xukun madaxaa ku furay ah ku riday Isniintii, Iyadoo u cuskatay inuu galay denbiyo dagaal, Kuwo ka dhan ah Aadanaha, Jirdil iyo denbiyo kale.

Sidoo kale Maxkamadu waxay sheegtay inuu Habre faraxumeeyey gabadh u xirnayd mudo afar jeer ah.

Hay’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch oo si dhow ula shaqaynaysay dadkii uu Habre denbiyada ka galay ayaa sheegtay in xukunkani fariin u yahay kuwa dalaalka ay xukumaan burburiya oo dhaqaalaha ay ka soo dhaceen intay dibadaha ula baxsadaan ku tamashleeya.

Habre wuxuu masuul ka ahaa kumanaan loo dilay arrimo siyaasadeed mudadii uu xukunka hayey 1982 ilaa 1992.

Wuxuu u baxsaday dalka Sanagal kadib markii uu xukunka ka tuuray Madaxweynaha xiligan ee Dalka Chad  Idriss Deby.


Wuxuu joogay maxkamada markii xukunku ku dhacayey isagoo afku u duuban yahay indhahana ay ugu jiraan muraayado madoow.

15 cisho ayuu haystaa si uu racfaan uga qaato Xukunka ay ku riday maxkamada gaarka u ahayd oo ah mid taageero ka haysata Midowga Afrika.

Madaxweynaha Maxkamada  Gberdao Gustave Kam oo u dhashay Burkina Faso ayaa sheegay in xeer beegtu xuseen in xukunka Chad uu ku urursanaa gacanta Habre, Isagoo ahaa Madaxweyne, Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidamada qalabka sida.

Gberdao wuxuu sheegay in Habre sameeyey isla markaana gacanta ku hayey nidaam aan isla xisaabtan lahay isla markaana argagaxu sharci ka yahay.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.