Madaxweyne Siilaanyo oo dib ugu laabtay Hargaysa balse ka sii gudbay

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta gelinkii danbe dib ugu laabtay Hargaysa kadib markii uu gelinkii hore dalka Jabuuti kaga soo qayb galay xaflada caleemo saarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu uga sii gudbay isla maanta Hargaysa dalka Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu uga sii gudbay isla maanta Hargaysa dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Ku xigeenka, Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowlada ayaa ku soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Hargaysa halkaas oo uu ku nastay saacaado kooban ka hor inta aanu u duulin dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

“Madaxweynuhu wuxuu ka helay casumaad rasmi ah dhaxal sugaha Dalka Imaaraadka Shiikh Maxamed Bin Zayed” Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay aqalka Madaxtooyada.

Dadweynaha Somaliland ayaa si caro leh uga dareen celiyey iyagoo adeegsanaya baraha bulshada hab maamuuskii Madaxweyne Siilaanyo loogu qaabilay dalka Jabuuti iyagoo ku doodaya in aanu u qalmi kadib markii saf lala fariisiyey Madaxweynaha Puntland, Wefti ka socday Juballad iyo Ugaaska beesha Ciise .

Amar Jebin.

Dadweynaha reer Somaliland ayaa si weyn uga carooday qaabkii loogu soo dhoweeyey Madaxweyne Siilaanyo dalak Jabuuti.
Dadweynaha reer Somaliland ayaa si weyn uga carooday qaabkii loogu soo dhoweeyey Madaxweyne Siilaanyo dalak Jabuuti.

Roog cas iyo ubaxyo qoyan ayaa lagu soo dhoweeyey Madaxweynaha iyadoo ay garoonka soo buux dhaafiyeen raxan masuuliyiin ah iyo xubno ka socday qaybaha bulshada talaabadaas oo jebisay amar Wasaaradda Duulista Somaliland horay u dul dhigay dhamaan Masuulyiinta kaas oo dhigayey in aan garoonka lagu qabsan kari xaflado ama isu soo baxyo soo dhoweyneed.

Wasaaradda Duulistu waxay u cuskatay amarkeedaas in isu soo baxyada lagu soo dhoweeyo masuuliyiinta sar sare ee Dowladu ay halis ku yihiin amaanka garoomada.

Inkasta oo Madaxweyne Siilaanyo horay u soo dhoweeyey go’aankaas hadana waxaa muuqata intuu maanta ka dhego adaygay inuu u hogaansamo.

HALKAN KA DAAWO AMARKII WASAARADDA DUULISTA.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.