Madaxweyne Gaas oo shaqada ka eryeya Wasiirada ka soo jeeda Gobolka Bari

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa qorshaynaya isku shaandhayn uu ku sameeyo Golihiisa Wasiiradda, Taas oo eersan doonta inta badan xubnaha Xukuumada ee ka soo jeeda Gobolka Bari.

Madaxweyne Gaas.
Madaxweyne Gaas.

Wasiirka Qorshaynta Shire Xaaji Faarax, Wasiirka Dekedaha Cabdulaahi Jaamac Saalax, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdijamaal Cismaan Maxamed, Wasiirada Haweenka Aniiso Xaaji Muumin iyo Wasiirka Duulista hawada Xasan Xaaji Siciid, Ayaa ka mid ah Wasiirada waayi doona xilalkooda sida ku cad qoraal qabyo ah oo Warsidaha Faaqidaad soo arkay.

Siciid Maxamed Raage, Cali Cabdi Awaare, Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan), Faarax Maxamuud (Dooxajoog) iyo Axmed Xuseen Doonyaale, Ayaa bedeli doona Wasiiradda xilka qaadistu saamayso, Sida ku qoran qoraalka.

Madaxweynaha ayaa ka caraysan mucaaradada sii kordhaysa ee kaga imanaysa Bari, Isagoo aaminsan in Wasiirada ka soo jeeda Gobolkaas ay ku guuldaraysteen inay ku qanciyaan beelaha ay ka soo kala jeedaan sidii ay daacad ugu noqon lahaayeen Xukuumada, Sida uu fahansanyahay Faaqidaad.

Wasiirada cusub.

Siciid Maxamed Raage wuxuu hogaanka u qaban doonaa Wasaaradda Dekedaha, Waa siyaasi ka soo dhex muuqday masraxa siyaasada tan iyo asaaskii Puntland xilka loo qorsheeyeyna maaha mid ku cusub ee ilaa 3 jeer oo hore ayuu soo qabtay.


Galaan galka xoogan ee uu ku dhex leeyahay beeshiisa iyo sida ay u taageersan yihiin qaar badan oo ka mid ah duubabka dhaqanka ayaa u saamaxday inuusan marna ka seerayn ku lug lahaanshaha hogaanka Puntland.

Cali Cabdi Awaare waa rug cadaa ilaa laba jeer oo hore ayuu u orday hogaanka Puntland waana siyaasi ixtiraam badan taas oo ka dhigtay nin aad loo qadariyo.

Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) horay wuxuu u soo noqday Wasiirka Ganacsiga xiligii Xukuumadda Cade Muuse, Culayska Madaxweyne Gaas ka haysta beesha uu ka soo jeedo ayaa ku riixday inuu baadi goob u galo cidii uu ku bedeli lahaa Shire Xaaji Faarax oo mudooyinkan danbe aan xiriir wanaagsani ka dhaxayn.

Faarax Maxamuud (Dooxajoog) mar wuxuu ku dhawaaqay Dowlad gaar ah oo ka goosatay Puntland inteeda kale isagoo taageero ka helayey beesha uu ka soo jeedo oo saluug badan ka qabtay Xukuumadii xiligaas, Madaxtooyada ayaa aaminsan inuu isu soo jiidi karo Madaxweynaha iyo Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin.

Axmed Xuseen Doonyaale waa Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha wakhtigana waa la taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Amaanka.

Siciid Maxamed Raage.
Siciid Maxamed Raage.

Xubno kale.

Qoraalka aanu soo aragnay inkasta uu ahaa qabyo aan weli dhamayn hadana waxaa ku xusan Wasiir ku xigeeno dhowr ah oo boosaskooda waayi doona.

Wasiir ku xigeenka Maaliyada Axmed Yaasiin Saalax waxaa lagu bedeli doonaa Shiine Cali Kawir, Sababta  oo ah Mr. Saalax waxay isku jifo hoose yihiin Eng. Raage suurtagalna ma aha inay Golaha ku sii wada jiraan.

Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gen.Cabdirisaaq Maxamed Yuusuf (Afgaduud) iyo Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Shiikh Aduun) oo hada ah la taliyaha Madaxweynaha ee dhina arrimaha bulshada, Ayaa markii ugu horaysay soo geli doona Xukuumada.

Falanqayn.

Warsidaha Faaqidaad wuxuu xiriir la sameeyey qaar ka mid ah xubnaha ku xusan qoraalka aanu soo helnay dhamaantoodna waa diideen inay meesha ka riixaan suurtagalnimada inay ku biiraan Golaha Wasiirada Puntland taas oo ka dhigan inay u badantahay in la magcaabo.


Madaxweynaha waxaa culays badani ka haystaa dhinaca beelaha,  Waana sababta ugu weyn ee ku riixaysa inuu la yimaado is bedel.

Dhamaan Wasiirada uu xilka ka qaadayo waa kuwii isaga la jaan qaaday doorashadiisii kadib marka laga reebo Cabdijamaal oo gadaal kaga soo biiray, Waa sabab kale oo Gaas ku khasbaysa inuu helo wejiyo cusub oo ugu yaraan bulshada u soo jiida.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.