Madaxweyne Gaas “Kuwa Carmo Khalkhalka ka wadaa waa argagixiso”

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay duleedka degmada Carmo.


Qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook ayuu ku sheegay inaysan dowladiisu gacanta ka laaban doonin kuwa khalkhalka gelinaya nabada iyo xasilooniada Puntland.

“Xaalada Puntland kasoo cusboonaday dagmada Carma Dowlada Puntland gacanta kama laabaynso danbiilayaasha khalkhalka galinaya hormarka iyo Amniga Puntland” Ayuu Madaxweynuhu ku yiri qoraalkiisa.

Madaxweyne Gaas ayaa sii raaciyey “Waxaan u aqoonsanay inay yihiin argagixiso carqaladeenaya xasiloonada iyo horumarka puntland ka jira”.

Qoraalka Madaxweynuhu soo dhigay bogiisa Facebook:

Maleeshiyaad taabacsan Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari iyo Ciidanka Puntland ayaa maanta dagaal ku dhexmaray deegaanka Barookhle oo qiyaastii 20KM u jira Carmo.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.